Sababta Ay Dalalka Faqiirka Ahi Ugu Horumari Waayeen Caawimada Reer Galbeedka

1
723

Picture5Marka aad eegto warbixinnaha iyo garaafyada haayadda lacagta ee caalamiga ah iyo bangiga adduunka waxa aad si dhaqso ah ugu qaadanaysaa in heerka horumar ee dunid uu kor u sii kacayo iyo in caawimada iyo deymaha dalalka hodanka ahi bixiyeen ay janno ka dhigaan dalalka faqiirka ah, laakiin tiro-koobyada runta ah ee soo baxayaa waxa ay muujinaysaa arrintaas lidkeeda, sideedaba tirada lacagta dawladda dalka soo gasha oo badata macnaheedu ma noqon karo in horumar ay gaadhay.

Lixdankii sano ee u dambeeyey, Afrika waxaa soo galay lacag dhan 2.5 Tirilyan oo doolar oo caawimo ah, haddana illaa maanta oo aynu joogno deynta Afriika lagu leeyahay waxa ay qiyaas ahaan u dhigantaa saddex meelood meel deynta dunida oo dhan lagu leeyahay.

Waa ay badan yihiin sababaha loo aanayn karo in ay keeneen in Afrika ku horumari weydo caawimada iyo deymaha reer galbeedka, waana sababo badankoodu isku xidhan, balse aynu xusno kuwa aan is leeyahay waa ay ugu mudan yihiin, marka loo eego aragtida maangalka ila ah ee khubarada qoraallada kala duwan ka samaysay:

1. Baanka Adduunka iyo Haayadda lacagta adduunku kama shaqeeyaan wax aanay dani ugu jirin dalalka waaweyn:

Sida caadiga ah baanka adduunka iyo haayadda lacagta ee caalamiga ah (IMF) waxa ay reer galbeedku u dhisteen in ay ku ilaashadaan danahooda ganacsi iyo dhaqaale, sidoo kale waa haayado u dhisan in ay si dadban u fidiyaan gacan ku haynta reer galbeeda ee talada dunida. Waxaa marba marka ka dambaysa sii caddaanaya in siyaasadaha dib u habaynta dhaqaale ee bangiga adduunku uu mariyo dalalka uu caawimada ama deynta siinayaa ay yihiin kuwo marar badan iyagu hanaqa sii jara dalalkaas. Ma’aha arrin ku-tiri-ku-teen ah oo waxaa qirayaba dhaqaale yahanka Joseph Stiglitz oo hore ugu madax ahaan jiray guddida dhaqaalaha ee baanka adduunka, kaas oo caddeeyey in marar badan ay dhacdo in siyaasadaha baanka adduunku uu mariyo dalka uu deynta siinayo, oo ay ka mid tahay in marka hore dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka dhaqaale ee dalka iyo hannaanka ay tahay in uu ula jaan qaado ka hortagga xaaladaha isu-dheelli tirnaan la’aanta dhaqaaluhu, ay qudheedu keento in dalalkan uu faqrigu ku sii bato, (www.globalissues.org/article/3/structural-adjustment-a-major-cause-of-poverty).

Labadan haayadood waxa ay si toos ah u ugu hoggaansan yihiin damaca iyo siyaasadda dhaqaale ee dalalka reer galbeedka. Yaanu kuu dhuuman macnaha ay ku fadhido in mar kasta ay qasab tahay in guddoomiyaha haayadda lacagta adduunku uu noqdo qof u dhashay dalalka Yurub, halka guddoomiyaha baanka adduunkuna uu mar kasta yahay Maraykan, madasha lagu doortaana ay tahay kulan albaabadu u xidhan yihiin, shuruudda lagu dooranayana aanay ku jirin in murashaxu uu wax uun waayo-aragnimo dhaqaale ah u leeyahay dalalka soo koraya! Sida uu Joseph Stiglitz qudhiisuna mar kale inoo caddaynayana, waxaa halkaas ka soo baxaysa in barnaamijyada Sanduuqa lacagta ee Caalamiga ah (IMF) iyo baanka adduunku (World Bank) aanay u adeegayn danaha dalalka ay ka shaqaynayaan, in badan ayaanay dhacdaaba in mashaariic ay dal faqiir ah ka wadeen iyo deymo ay siinayeen dhammaadaan iyada oo uu dalkii sidiisii weli faqiir u yahay ama kaba sii xaal xun yahay, cudurka ka sii daran ee ay kaga tagaanna waa in dalkii deymo badan lagu yeesho iyo in taladii dalku u gacan gasho dabaqad maalqabeen ah oo si xawli ah dhaqaalahoodu u sii korayo iyo intii badnayd oo beerka dhulka dhigto gaajo iyo dhaqaale xumo awgeed.

Sababta:

1. Khariidadda iyo talada dhaqaale ee ay haayadahani siinayaan dalalka faqiirka ah: Marka la soo koobo aragtida khubarada ku xeel-dheer arrimaha dhaqaalaha ee naqdiya sida gurracan ee haayadahani u wadaan hawlahooda, waxa uu qaladka ugu weyni ka jiraa talada ay haayadahani siinayaan dalalkan ay deynta ama caawimada siinayaan iyo dhabbaha ay u jeexaan, cudurkooda ugu weynina waa in xaalad dal ka soo shaqaysay oo midhaheeda la arkay ay ku qasbaan in dal kalana qaato, laakiin laga yaabo in dalkaas aanay ku habboonayn, nidaamka dhaqaale, dhaqan ama dhismaha bulsho oo dalkaas ka duwan awgeed. Waxaa dhacaysa in deymahani ay bilowga si xawli ah tiro ahaan u kordhiyaan dhaqaalaha dalka, laakiin aakhirka ay kharribaan, dalkiina ku dambeeyo dal deymo la ciir-ciiraya oo dakhliga ka soo gala wax soo-saarkiisa ku bixiya deymaha lagu leeyahay iyada oo dadkiisu gaajo beerka dhulka ku hayaan, waana sida inta badan Afrika ka dhacda.

– Talada iyo khariiradda dhaqaale ee ay haayadaha baanka adduunka iyo lacagta adduunku u jeexaan dalalka ay deynta siinayaan, waxa ay sahlaan in shirkadaha reer Yurub oo dabcan ka awood badan kuwa maxalliga ahi ay suuqa soo galaan, taasina cabudhiso wax-soo-saarkii la midka ahaa ee gudaha oo aan marka horeba cago adag ku taagnayn. Waana ta keenta in dalalka Afrika oo wax-soo-saarkoodu ko u sii kacayo, haddana ay cunto yaraanta iyo macaluushu ku sii badato.

2. Dalalka reer galbeedka iyo haayadahooda lacagta bixiyaa waxa ay si dadban u taageeraan keli-taliska iyo in dadka maalqabeenka ah oo keliyi siyaasadda hagaan: Caawimada iyo deymaha la siiyo dalalka faqiirka ahi waxaa faa’ido ka dheefa laba kooxood oo keliya, waa keli-taliyeyaasha iyo dabaqadda maalqabeenka ah ee dalalkaas.

B) Keli-taliyayaasha: Waxa ay ka gurtaan lacago aad u badan oo ay ka musuqaan caawimada iyo lacagta deynta ah ee ay ahayd in dalka wax loogu qabto, shirkadaha shisheeye ee dalka soo gala, marka baanka adduunka iyo haayadda lacagtu jidka u sii xaadhaan, maamulka keli-taliska ahi waxa uu ka helaa saamiyo aan shirkadda ku cuslayn, una fududeeya in dalka ku xididdaysato,  isagana maadaama oo uu shakhsi yahay lacagta uu u harraadan yahay ay ka soo gasho, sidoo kale shirkadahan waxaa marar badan lagu eedeeyaa in ay keli-taliyeyaasha ka caawiyaan sidii ay bangiyada adduunka uga furan lahaayeen xisaabo qarsoodi ah oo ay ku kaydsadaan lacagaha ay dalalkooda ka xadaan.

T) Maalqabeenka: Cidda labaad ee ka faa’idda deymaha iyo caawimada ay bixiyaan baanka adduunka iyo haayadda lacagta ee caalamiga ahi waa maalqabeenka dalalka faqiirka ah ee la caawinayo u dhashay. Nidaamka ay jeexayaan haayadahani waxa uu maalqabeenkan u sahlaa in ay xidhiidh adag iyo kalsooni la dhistaan hoggaamiyeyaasha keli-taliska ah ee dalkooda haysta, sidoo kale shirkadaha shisheeye ee dalka imanaya ayaa maalqabeenkan la sameeya xidhiidh ganacsi, maadaama oo ay sidaas dani ugu jirto. Waayo siyaasadda reer galbeed oo uu dhaqaaluhu hoggaamiyo ayaa ah in dalalka kale laga dhiso shirkado iyo ganacsiyo ay hoggaamiyaan maalqabeen fulin iyo gacan xooggan ku leh siyaasadda dalka si hadhow ay dalalka reer galbeed ugu fududaato in shirkadahan iyo maalqabeennadan la dhex maro haddii loo baahdo in dalkaas si uun loo farogeliyo. Waxaa tusaale fudud inoogu filan, afgembigii sannadkii 2002dii ka dhacay dalka Venezuela ee la doonayey in xilka lagaga tuuro madaxweyne hore ee Hugo Chavez oo reer galbeedka ay is necbaayeen, afgembigaas waxaa dabada ka waday maalqabeenka dalka Venezuela oo xidhiidh dhow la’ lahaa Maraykanka. La soco…

 

Comments are closed.