Xasan Gaafadhi Oo Ku Baaqay In Isku Aragti Laga Noqdo Muddada Doorashada Si Looga Badbaado Khilaaf Sharciya

0
596

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Rays Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafadhi), oo hadda ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay khilaafka ku saabsan muddo kordhinta, go’aankii ay ka qaateen Xisbiyadu iyo mawqifka uu ka taagan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.

Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafadhi), oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika,   ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan Nabadoooda, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Golaha Guurtida ayaa xaq u leh in haddii ay Doorashadu ku qabsoomi weydo inay kordhiso ilaa muddada ay Doorashada dambe ku qabsoomayso, muddo ayey qabatay, muddadaas ay qabatay Xisbiyada qaarkood wey ka biyo diideen, dabadeedna dawladdu iyada oo diidan inuu maruun muran dhaco, waxa ay isku dayday in aragtida Xisbiyada ee muddo kordhinta lagu soo dhaweeyo Doorashada, muddo ayey socotay, Xisbiyada wey isla qaateen weyna isla garteen inay  codsi u qoraan  Madaxweynaha  sidii uu uga taageeri lahaa oo uu Guurtida uga dhaadhicin lahaa in laga soo guuro muddadii, iyada oo muddada ay Guurtidu cayimeen ay sideedada sharci u tahay, in wakhti ka sokeeya wakhtiga Guurtida la qaban karo Doorashada, in la qabto, codsi bay ahayd ay Xisbiyadu ka codsanayeen Madaxweynaha, Madaxweynuhu Guurtida wuu la hadlay, Xisbiyaduna Guurtida wey la hadleen, Guurtidu kumay qancin soo jeedintii ay Xisbiyadu soo jeediyeen, waxa ay istaageen halkii ay markii horeba taagnayeen, waxaan u arkaa in marka horena la rabay in la xaliyo khilaafi Siyaasi ah, imikana abuuri karta khilaaf Sharciya, haddii aan isku aragti laga noqon wakhtiga muddo kordhinta, waxaana qabaa in wixii lagu baajin lahaa khilaaf sharciya in la sameeyo”. Mar aanu Xasan Gaafadhi waxa ka weydiinay sida uu arko diidmada uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu diiday dalabkii Xisbiyada iyo Xukuumadda ayaa ku jawaabay “Waxa aan u malaynayaa in aanay cidina ku muransanayn Guurtidu xaqa ay u leedahay muddo kordhinta, Saleebaana hal qof ayuu ka yahay Golaha Guurtida ee ah 82-ka, go’aankana waa go’aan aqlabiyad ah oo ay dhammaantood isku raacsan yihiin, hadalka uu ku hadlayo Saleebaan ee uu kaga wakiilka yahay, arinkan kale ee ay Xisbiyadu isla garteen waxa ay ahayd arin Xisbi, oo arin marnaba lagu qasbayo inay Guurtidu qaadato may ahayn, haddii taas la waayo anigu aragti ahaan waxa aan qabaa in la badbaadiyo wixii keeni kara khilaaf sharci, oo la nageeyo dadkana laga badbaadiyo ayaan jecelahay”.

Xasan Gaafadhi ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada reer Somaliland waxa uu yidhi “Meel kasta oo ay dagaalo ama abaaro ka jiraan waxa aanu jecel ahay inuu ILLAAHAY ka dulqaado, dagaaladu waxa ay keenaan Dhimasho, Dhaawac iyo naafo, nabada ayaana waxa walba ka qaalisan, Taleex iyo meel kasta ee dhibaato ka jiraan waxa aan jecel ahay in Nabada la dhawro, oo laga karo waxyeelada, dagaalada iyo dhibaatada, laga samro wixii dhacay si aanay dhibaatooyin kale u dhicin”.

Dhinaca kale Xasan Gaafaadhi ayaa sidoo kale ka hadlay tirikoobkii Bulshada reer Somaliland ee ay dhawaan shaacisay Dawladda Somaliland, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay tirikoobkaas, isaga oo sheegay inay dadka reer Somaliland ay intaas ka badan yihiin, waxaanu ku baaqay inay wacan tahay in si rasmiya loo ogaado tirikoobka dadka reer Somaliland.