Xasan Gaafaadhi Oo Loo Magacaabay Afhayeenka KULMIYE

0
560

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee KULMIYE ahna guddomiyaha xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay afhayeenka xisbigaas u magacaabay Xasan Gaafaadhi oo ka tirsan xisbigaas.

gggggg

Warsaxaafadeed uu Muuse Biixi, soo saaray wuxuu ku yidhi sidan “Waxaan xilka Af-hayeenka xisbiga KULMIYE u magacaabay Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay March 8 – 2016. Waxaannan u rajaynayaa in Alle ku garab galo xilkan.

Magacaabista xilka Af-hayeenka xisbiga KULMIYE waxay dhaqangalaysaa taariikhda magacaabistiisa ee kor ku xusan. Xil-gudasho wacan.”