Ikhwaanku waa urur caynkee ah?
Ilaa hadda waxa aynu ka soo warramaynay Ikhwaanka iyo marxaladihii waayeed ee uu soo maray. Kolka laga hadlayo qiimaynta Ikhwaanka xaggee la dhigaa? Ma urur baal marsan waddada sunnigaa? Ma urur u janjeedha qaab-socodka xadgudbay baa? Ma urur aaminaad ‘caqiido’ ahaan dar-jiidhsan baa? Ma urur budh la yurur ah baa? Ma urur jihaad oo dhan indhaha ka laabtaa?.
Kolka si caafimaadqabta looga jawaabayo su’aalahaa waxa lagu noqonayaa bud-dhiggii uu sameeyey aasasahodu. Ikhwaanku sida aynnu kor ku soo sheegnay waa urur dhexdhexaad ah, ku sifaysan aayaddii Quraanka ahayd ee Korreeye ku lahaa suuradda Baqara; “Waxa aannu idinka dhignay ummad dhexdhexaad ah.”
Maaha urur aaminsan afkaar gurracan, mana ahaa urur loo laqimo oo dawladuhu ku adeegtaan. Waa urur ku taagan tubtii saddexdii qarni ee la ammaanay. Waa urur u taagan soo celinta midnimadii luntay ee Muslinka. Aaminsan in lagu keeni karo waddada xaqa ah oo lagu sugmo. Og in aanay kala maarmin aqoonta diinta iyo maadigu.
Gefefka Ikhwaanka
Ururku kol hadduu yahay urur dad ku bahoobeen laga waayi maayo gefef loo aaneeyo. Gefkaasi laba un buu noqonaya; mid manhaj ahaan ku jira iyo mid qofofyaal ka mid ahi ay la yimaaddeen. Gafka manhaj ahaan ku jira waa mid boogteeda ay wada leeyihiin cid kasta oo ku wada abtirsata dalladdu. Laakin khaladadka ashkhaastu galaan noqon maayo mid loo aaneeyo Ikhwaanka.
Ikhwaanku ma Takfiir baa?
Ikhwaanku waa Takfiir markii ugu horraysay waxa adeegsan jiray qolyaha diinta ku soo dhuunta ee loo soo carbiyey eedaynta iyo caayidda culimada Muslimiinta ‘Calmaaniyiinta’. Raggaa lagula yaabi maayo inay eray kasta ka yidhaahdaan dhaqdhaqaaqan waayo inta ay ku soo jal qaadanayeen baa intaa ah. Dhibtu waxa ay dhacday kolkii wadaaddo ay ku soo biireen qolyihii adeegsan jiray eraygaa.
Jawaabta su’aashaasi iyada oo urursan waxa weeji; haddii laga soo helo manhajka uu aasaasahoodii Sheekh Banna u dhigay wuxu noqonayaa urur aaminsan fikirkaa, se haddii la leeyahay hebelo ka mid ah baa aaminsanaa waa gef cad oo loo aanaynayo.
Khaalid ina Waliid waakii Rasuulku u diray reerkii ilma Judayma si ay u soo islaamaan, ee eraygu yaqaanay eray ka geddisan ku dhawaqeen, isna uu qoorta ka guray. Warkii kolkii uu maqlay Rasuulku CSW waakii lahaa sidu Bukhaari soo saaray; “Ilaahow bari baan ka ahay waxaa uu Khaalid sameeyey.”
Xadiiskaa laba mid ba waynu u soo qaadanaynaa; in waxqabadkii aan la mahadin ee uu la yimid Khaalid la iska leexiyo oo uu kaligii ku suntanaado. Iyo in isaga laftiisa la iska ururinee khaladkiisaa un loo tilmaamo.
Qof ka mid ah ururka oo qaatay fikirkaasi saamayn maayo dhammaan ururka. Midda kale maanta ururkee ka badbaaday in dadyowga ku jira qaarkood qaataan fikirkaa? Midda labaad Takfiirku ma maanta ayuu bilaabmay maanu awal hore jirin?.
La soco qaybta toddobaad……
Talo iyo tusaale ba waa xaggina
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub
Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Rakuub.wordpress.com