Xarunta Mooge Oo Arday U Soo Xidhay Tabobar Afka Soomaaliga Ah Oo U Socday Muddo Lix Bilood Ah

0
777

Hargeysa(Geeska)-Xarunta Kaydka Hidaha dhaqanka iyo qoraalka ee Maxamed Mooge ayaa markii ugu horaysay tobobar socday mudo lix bilood ah oo ku saabsan Af-soomaaliga iyo suugaantiisa siiyay ardayda dugsiyada sare ee magaaladda Hargeysa.Picture3

Xaruntan Maxamed Mooge tabobarkaas kadib waxa ay ardaydan u qabtay xaflad qalnjibin ah oo lagu siiyay shahaadooyin, waxaan xafladaas ka soo qaybgalay Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciiid Raygal,Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax,hogaanka Xaruntaas iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayntii Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax oo ah guddoomiyaha xaruntaas oo ka hadlaysay xafladan qalinjabinta ah waxa hadaladeeda ka mid ahaa “Inbadan ayaa la soo buux dhaafin jiray dugsiyo luuqadaha Ingiriisida iyo Carabiga lagaga qalin jabinaayo,maanta waxa farxad inoo ah in cid baratay afkeenii hooyo markii ugu horaysay taariikhda in aynu isku hor fadhino,waxaan u mahadnaqayaa oo aan hanbalyo iyo salaan balaadhan u jeedinayaa oo aanan marnaba ilaabi karin xarun ahaan sida uu noo garab taagan yahay wasiirka dhalinayrada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal, oo ah shaqsi u taagan dhalinyarada isbarbartaagooda.Waxaanu ku bushaaraynaynaa in markii koowaad ee taariikhda Somaliland uu inala joogo wiil ka socda maxadka tabobarka iyo horumarinta awoodaha Aadamaha ee Qaahira,maxadkaas oo uu aas aasay qoraagii caanka ahaa Dr.Ibraahin Fiqi (AHN),maxadkaas oo bixiyo tabobaro kor loogu qaadayo awoodaha Aadamaha,ardaydayada ayaanu ka bilaabaynaa cida awoodahaas tabobareed loo furi doono.afkeena ayaa hodantinimo iyo hoodo iyo ku faan iyo sharafba leh,aynu ka guurno afafka qalaad,waxaan idin leeyahay aynu ku faano waxaynu haysano,dalkiinana ha ku fakarina maxuu idiin qabanayaaye ku fakara maxaad u qabnaysaan,xaqiiqdu waxa ay tahay in aynu maanta u taagnahay dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa afkeena, waxaanu u istaagi doonaa inaan marno qaaradaha dunida si aynu u barno afkeena hooyo. Waxa laga yaaba inay inbadan is leeyihiin waar gabadha maxaa is tusay,laakiin afka Ingiriisidu sida uu dhulkaaga kuugu yimi ayaynu dhulkiisana ku gayn karnaa afkeena,adiguba qofbaad tahay gooni ahaantaa,qofbaad tahay wax goyn kara,afkeenu waa hodan waana mid murti iyo wax kasta u saaxiib ah.”

Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah macalimiintii mudada lixda bilood ah ardaydan afka Soomaaliga iyo suugaantiisa baryay, oo halkaas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Sharaf iyo sumcad ayaynoo tahay inaanu noqono macalimiintii koowaad ee ka shaqaysa inay dadka baraan afka Soomaaliga,Suugaantiisa iyo dhaqankiisa,waliba nasiib kale ayaan sii leeyahay oo saaxiibadaydii hawshan ila qabtay ee waliba iga badsaday ayaan afkooda ku hadlayaa,qofkastaa waxa uu leeyahay sumad aan ka hadhayn meel kasta oo uu dunida ka tago,afkuna waa baadi sooc oo qofka Somaliga ah meel kasta ha joogee hadaad tidhaahdo (waaryaa) waa kii soo jeesta, afkuna waa qalabka lagu kaydiyo dhaqanka,afku waa qalabka lagu fikiro, qof kastaana waxa uu ka fakaraa inta uu yaqaano,waa inaan u istaagnaa afkeena.”

Wasiirka dhaalinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo xildhibaan Siciid Maxamed Libaax oo ugu danbayntii xafladaas soo gunaanaday ayaa u mahadnaqay xarunta Maxamed Mooge,isla markaasna hadalo dhiiri galin ah u jeediyay ardaydii qalinjabisay.