Xarunta CPA Oo Cadaysay Inay Somaliland Xaq U Leedahay Fulinta Dilalka Qisaasta Ah

0
595

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xarunta daraasaaska siyaasiga ee Center for policy analaysis CPA ayaa sheegtay inay dawladda Somaliland xaq u leedahay fulinta dilalka qisaasta ah oo ay shareecada Islaamku banaysay.

Xaruntan oo uu fadhigeedu yahay Hargeysa, waxa ay arrintan kaga hadashay warsaxaafadeed ay shalay soo saartay kaas oo u dhignaa sidan “Xukuumada Soomaaliland waxay xukuno qisaas ah oo ka dhacay Degmada Mandheera ku fulisay lix nin, ka dib markii Maxkamadaha Soomaaliland ku xukumeen dil.

Soomaaliland waa dal islaam ah, dastuurkeeduna wuxuu ku salaysan yahay shareecada islaamka ah iyada oo ay ka reebantahay ku dhaqanka xeerarka ka soo horjeeda Shareecada Islaamka, sida ku xusan Dastuurka Soomaaliland qodobkiisa 5aad faqradiisa 2aad.

Soomaaliland waxay xaq u leedahay inay fuliso shuruucdeeda gaarka ah ee ku salaysan Shareecada Islaamiga ah Iyada oon ka talo galinaynin cid kale. Qofna xaq uma laha inuu ku xadgudbo nafta qofka kale, inuu qof dilo qof kalena waxa weeye xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadamaha.  Fulinta qisaastani waxay horseedaysaa ilaalinta xuquuqda adaamaha gaar ahaan inuu qofku ilaalyo xaqa qofka kale, waxaanay meesha ka saaraysa in si hawlyar naf qof looga jari karo.

Fulinta qisaastani waxay horumar u tahay fulinta Dastuurka Soomaaliland ee ku salaysan Shareecada Islaamiga ah, iyo fulinta axkaamta shareecada  sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland qodobkiisa 5aad faqradiisa 2aad.”