Xarun Caalami Ah Oo Soo Dhawaysay Sii Daynta Hoggaamiyaha Xuquuqul Insaanka Somaliland

0
513

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xarunta caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqal insaanka ee Front Line Defenders, ayaa soo dhawaysay soo daynta hoggaamiyaha xuquuqal insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, oo ay xukuumadda Somaliland toddobaadkan damaanad ku soo daysay.

Warsaxaafadeed ay xaruntani soo saartay habeen hore, waxay ku sheegty in soo daynta Guuleed Axmed Jaamac war wanaagsan u tahay xuquuqal insaanka Somaliland. “Subaxnimadii 6-dii bishii May waxa la soo wariyay in xabsiga dhexe damaanad lagaga soo daayay difaacaha xuquuqal insaanka Guuleed Axmed Jaamac. Markii la sii daayay Guuleed Axmed Jaamac lama horgaynin maxkamadda, lagumana wargelin wakhtiga dambe ee dacwadiisu noqonayso.” Ayay tidhi xaruntan caalamiga ah oo intaas raacisay in eedda Guuleed loo haystaa ay tahay mid weli taagan.

Xaruntan caalamiga ah waxa ay dawladda Somaliland ugu baaqday in la laalo eedaha loo haysto Mr. Guuleed, . “Front line defenders waxay soo dhawaynaysaa sii daynta Guuleed Axmed Jaamac, waxaanay ugu baaqaysaa Somaliland inay laasho eedaha ka dhanka ah. Front line defenders waxay rumaysanyihiin in eedaha Guuleed Axmed Jaamac ay yihiin isku day toos ah oo lagaga hortagayo in xaruntan xuquuqal insaanku sii shaqayso oo ay sii waddo hawlaheeda sharci ee difaacidda xuquuqal insaanka.”