Xaqiiqadda Nolosha: Sheekh Almis Sheekh Yaxye

0
1271

Qormadii 1aad: Taxane diirada saaraya fahamka nolosha ee Ardayda & Dhalinyarada

Inagoon waxba aqoon ayanu dhalanaa.

Marka aynu dhalanao, ee aynu bilawno inaynu aduunka barano, ee aynu

tagno madarasada , ee aynu u baxno wadada, waxaa kobocda aqoonteena,

iyo khibrada aynu u leenahay nolosha, waxaad moodaa sidii qof soo

galay guri wayn oo madow, alaab badanina taalo, taas oo kala daadsan,

waxaad moodaa inuu maankiisu ka madhanyahay wax walba, oo hada uu

bilaabayo inuu nolosha ogaado, waa sida aynu ku dhalano, ee uu

qur’aankuna inoo sifeeyay

( Suurat ALnahl 78).

Kumanaan su’aalo ah ayuu is waydiiyaa, jawaabna uma hayo, hase ahaatee

sida uu gurigaa wayn ugu dhex jiro ayuu maalinba bartaa wax cusub.

Hadaba maalin ayuu dadka intooda kalena bartaa, dhaqanada kala duwan,

dabeecdaha kala duewan, maalinba maalinta ka danbaysa ayuu dareemaa

inuu korodhsanayo aqoon cusub.

Sidaas ayaynu nahay ubadkaygiiyoow, maalinba arin cusub ayaynu

baranaa, halkaas ayaynu iska waydiinaa yoolka nolosheena iyo danta ka

danbaysa abuurka aadamaha, su’aal walba ka jawaabi kari mayno, oo

aqoonteenu had iyo jeer way koobantahay ( Suutar Alisraa 85)

Maxaa Duruus inoogu jira:

?       Aadamuhu waa Jaahil. Ilaa uu wax barto

?       Waa inyanu (Tawaaducnaa) Dhul- is dhigid, hadba into uu jahaligeenu

yahay ayay tahay inaynu tawaaducno.

?       Darajadeenu waxay ku xidhantahay hadba waxaynu naqaan, ee aynu cilmi

u leenahay, markastoo aqoonteenu durugto waxaa ziyaada darajadeena.

?       Mar hadaynaan koobin aqoonoo idil, way adagtahay inaynu xukun guud

saarno arin aan weli soo afjarmin

?       Had iyo jeer waxaa jiri doona arimo aynaan aqoon u lahayn, ama aynu

ka haysano fikir qaldan, waxaynu u baahan doonaa inaynu kordhino

aqoonteena si joogta ah, oo aynu lahaano caqli u furan inuu bisleeyo

arin walba oo soo waajaha.

La soco…..