XAGEE BEYNU JOOGNAA???. XAGEE BEYNU JOOGNAA???

11
1360

faysal-cali-waraabe2Iyada oo loo dabaal degaayo 20  guuraddii ka soo wareegtay  maalintii iyo sanadkii lagu dhawaaqay  la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland  iyo ku dhawaaqidii  Jamhuuriyada Somaliland , taas oo soo afjartay halgankiii dib u xooraynta   iyo midnimadii bilaa sharciga ahayd ee Soomaliand iyo Soomaliya ee 60kki.  Waxaan jeclahay in aan dib u eego halkaynu marayno, maxaa inoo qabsoomay, xageebaynu u soconaa, qaran ma dhisi karnaa , ummad ma noqon karnaa.

 

Haddaba marka hore waxaan hambalyeynaya shacbiga reer Soomaliland iyo dhammaan hayadaha qaranka oo ay ugu horeeyaan Ciidanka Qaranka iyo Ciidamadda Nabadgalyadda. Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu ina siiyo Naxariistiisa iyo Raxmaddiisa waxkasta oo aynu jecelnahayna (haduu khayr inoogu jiro) ina siiyo isagaa awoodlee.

Waxaa ka soo waareegay 30 sano bilawgii halkankii hubaysna ee  jabahadii SNM ee 1981, 20 sanana waxa la ga jooga ku dhawaaqeedii Jumhuuriyadda Soomaliland.

Markkaad is ku dartid 30ka sano ujeeddada shacbiga Somaliland iyo dadaalkoodu waxuu salka ku hayey fikrad kaliya – Qaranimo. Waxaa laga markhaati yahay in ay shacbiga Somaliland ay wax kasta u hureen in ay gaadhaan himiladooda iyaga oo  xiitaa lala beegsaday Xasuuq si aanay riyadoodo u ruumoobin, waxaa kale oo ay soo mareen 20 sano oo bilaa ictiraaf ah oo ah bilaa mucaawino .Taas oo keentay  dhaaqala  xumi, shaqa la,aan iyo gaajo baahaday, tiiyo in ka badan 80% ay ku nooshahay maanta Somaliland faaqiirnimo .

In kasto oo dhammaaday dagaalkii  keenay dhimashadda badan iyo qaxootigii haddana waxaa maanta taagan dilaayadii kale sida, gaajadii, cuduraddii, abaartii iyo shaqa laantii ,tiiyoo dadkii ay u dhimanayaan daryeel la,aan. Intaan jiray iyo intaan aan maqlay maanta maalin ay dadka reer Soomaliland ka nolol liitaan ma jirto . Intii dagaaldii halkanka ingaga dhibatay waaxaa  ku laba laabmaya inta daarxumi inaga dhibtay 20ka sano.

Markaan eegay dulucdda dhibaatadda shacbiga Somaliland waxaa kow ka ah lahaansho la,aanta siyaasiyiin argtii leh. Tan iyo 1950kii markii ay soo baxeen siyaasiyiintu oo ah hogaanka cusub ee bulshadda cusub ee reer Soomaliland ee la biilaabay in laga digo rogto hogaan dhaqameedyaddii bulshadda oo ku salaysnaa hogaamiyaal qabaail, waxaa soo baxaysay in Hogaamiyaashii siyaasaddii  dalka  ay ku guul darysteen in ay ummadda u hogaamiyaan sidii laga rabay.

Tan iyo 60kii ila maanta hoggaamiyasha siyaasadda ee Somaliland waxay ku guul daraysteen in ay marna la yimadaan siyaasad cad iyo qorshe qaran, wax ka hooseeya jacayl kursi oo ay la yimaaddan ma jirto. Taasi waxay shacbiga Somaliland u keenta mar kastaba qoomamo iyo dhibaato hor leh. Waxaa laga ducaysan jiray ubad xumo laakiin waxaa la mid ah siyaasiyiin xumo.

Markaa  dhibaatadii ka dhalatay la midowiigii Soomaaliya ee bishii July 1dii waxaa ka masuul ahaa siyaasiyiintii iyo golehii wakiiladda ee 60kii ee garan waayey  in ay ilaaliyaan  xuquuqdoodii iyo xuquuqdii shacbiga ay matalayeen, way  garan waayeen in ay heshiis midnimo iyo heshiis  awood qaybsi ( Union act and power Sharing agreement)  la galaan Soomaaliya ee waxaamay ku qanceen  sadex wasiir.

Markaada  eegtid  halgankii 1981 -1991 waxay mar kale siyaasiyiintii  ku guul daraysteen in ay la yimadaan qorshihii iyo siyaasaddii, Maxamad Siyaad Barre ka dib lagu hogaamin lahaa dalka iyo  shacbiga. Taasi waxay horseeday dagaaladii sokeeye ee 1992- 1992 iyo 1994 -1996, ee ay ka masuul ahaayeen  siyaasiyiintii ka soo bixi waayey xilkoodii. Mar kasta waxaa dhulka ku dhufta shacbiga Soomaliland  waa siyaasiyiinta .nasiib darro

Qorshe iyo siyaasad qaran la,aanta iyo dagaaladdii sokeeye  waxay keeneen  kala qaybsanaanta shacbiga Soomalilad iyo ictiraaf la,aanta maanta taagan.

Haddaba xagee baynu maraynaa maanta? Ila iyo 1996 intii ka dambaysay  shir beeleedkii labaad ee dib loogu soo doortay  marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal shacbiga Soomaliland waxay ku wadda nool yihiin nabad qabow ( cold peace) Dalkan waxaa addun weynuhu ku tilmaamaan dhul iska yar nabdoon amba nabad ah marka la barbar dhigo Soomaliya.

Laga bilaabo 2001 dalku waxuu ku talabsaday geeddi socod dimuqradiyad, iyada oo  dalka la hirgaliyey aftiddi distoorka marki labaad taariikhda Soomaliland , aftidii 1961kii ee distoorkii  Soomaliya eeTalyaanigu soo Sameeyey oo  shacbiga Soomaliland boqolkiiba in ka badan lixdan aay ka codeeyeen hase ahaate aan loo joojin.

Distoorka cusub ee Soomaliland oo boqolkiiba 97% u codeeyeen wuxuu ansixinayeey go,aankii 18 ki May 1991 ki shacbigu  ku la soo noqoday madaxbaananidda Soomaliland iyo u guurida hanaanka asxaabta badan ee siyaasadda. Ilaa 2002 waxaa dalka ka hirgalay doorashooyin min hiir degmo ila hiir wakiilo qaran iyo madaxtooyo, oo kuwii u dambeeyey qabsoomeen sannadkii hore 2010, halkaas oo  libintii ku raacday xisbi mucaarad ah tiiyo lagu jabiyey xisbi xukuumikii taas oo in yar ka dhacda dalalka Afrika.

Dhamaan doorashooyinkaa waxay ku dhaceen jawi nabad ah waxaana lagu qiimeeyey doorashooyin xor ah, waxanay u soo jiideen shacbiga Soomaaliland magac iyo maamuus caalami ah, siiba tii ugu dambaysay oo soo gurguurtay muddo laba sano ah aduunkuna aad u eegayey, isbadal si nabad ah u dhacayna yimi .

Haddaba inaga oo heer la majeerto ka gaadhnay geedi socodka dimuqradiyadda iyo nabadgalyada, ay haddana dhincayadda kale  sida xagga horumarka dhaqale , assaaska adeega bulshadda, dhinacyadda caafimaadka, biyaha, tacliinta, kabaayaasha dhaqalah, sida: waddooyinkii, madarada, iyo dekadah,  shaqada iyo dhismaha hayadaha qaran ay ka hooseeyaan halkii 1988kii. Waxaana intaa ka daran inay meesha ka baxayso dareenkii qaranimo iyo qomiyadeed tiiyo ay sii xoogaysanayso qabyaaladdii,  taartaankii iyo qaybsanaantii beelaha.  Waxaa iyana sii xoogaysanaya Soomaliland diidkii isaga oo  ka faa,idaysanaya maqnaashaha dareenka qaran iyo kala qaybsanaanta  shacbiga.

 

Doorshaddi ka dib fiilashadda iyo rajada shacbigu waxay isku shareertay cirka tiiyo la  soo maray  siddeed  sanadood oo dalko ku jiray qarqarsi iyo kuudud waxaa la yidhaa ( Stagnation) , oo  ay hayadihii  qaranka wax tayi   soo kordhin , dhaqaalihiina sii xumaaday taasoo dadkii ku dhalisay raja la,aan oo dhalinyardii naf moodeen qurbaha taas oo keentay in dhalinyar badani ku dhintaan lama dagaanada Waqooyiga Afrika iyo badaha iyagoo tahriibay oo raadsanaya nolol taa dhaanta.

Haddaba markii isbedalku yimi ee xisbigii Kulmiye helay doorashadii dadka waxa galay rajo hore leh. Iyada oo labada xisbi mucaardaba, UCID iyo Kulmiye ay ballan qaadeen isbadal wata horumar balaadhan oo gees walba ah. 

Nasib darro waxaa hadda muuqda in ay rajadii shacbigu sii yaraanayso, jahawareer  iyo Is dhex yaac ka muuqdo dalka. Haya,adihii qarankuna aanay cidna u habranayn. sharci iyo distoorna  aanay ixtiraamayn, tusaale waxaa inoogu filan kordhiskii i xilka ee golaha guurtida iyo golaha wakiilada ee afarta sano iyo sadexda sano kala ahaa, kuwaas oo sharci darro ah.Waxaa laga sii durkay habkii dawladnimada iyo nidaamkii  tiiyo ay sii xoogaysanayso qabyaaladdi iyo danihii gaarka ahaa oo laga hormarinaayo danta guud.

Hadda waxaa soo yeedhaya sawaxan xun, tiiyo   aay caadawgii Soomaliland is urusanayo siina badaanayo, shacbigina ay ku dhalanayso  kalsooni darro iyo cabsi hor leh,  maceeshaddiina aay sii qaaliyooday noloshiina sii adkaatay.

Waxaa bilabantay in dalal badan oo inoo hayey niyad fiican kuna tala jiray inay wax weyn ina taraan, markay arkeen sida wax u socdaan iyo wararka ka soo baxaya dalka ay hadda galeen xaalad ah Sug oo Fiiri ( wait and see)

 

Isku soo duuboo  mudaddi labaatanka sanno ahayd waxaynu ku guul daraysanay in aay dhisno qaran shaqeynaya oo tayo leh oo sharcigu hoggaaminyo, muutaysta  ictiraf calaam, inaga oo  isleh waxa buuxiseen shuuruudihi qaranimo. Waax intaa ka daran ma hayno xiita haabkii aaynu ku gaadhi lahayn qaran buuxa.

Waxaa loo xusuldoobtay qabiil iyo tartan dhaqale oo aan loo siiniin, taasina wa waddaad keenta fashilada dawladnimo iyo dagaal sokeeye.

Anigu oo ila iyo 1992kii arimaha Somaliland culays badan saaray sii aaynu u dhisi lahayn Somaliland casri ah, sabaabta aan siyaasadda u galayna ahayd in aan gacan ka gaysto siidii loga hirgalin lah Somaliland nimad dawladnimo ku salaysan Diinta Islamka ee suuban siidi loo heli lahaa cadaalad iyo midnimo ummadeed.aayan waxaan ka xumahay in laabatan sano ka dib Somaliland iska daa ictiraaf ay heeshee aanay ka jirin nidaam dawladnimo oo adaggi walina aanay dhulkii Somaliland oo dhan sharciga iyo nidaam dawladnimo gaadsiisniin.

2001dii markii marxuum Mahamed Ibrahim Egal oo anigu u qabo aabihii Somaliland-ta  cusub uu soo bandhigayey distoorka maanta aaynu haysano , siyaasintii Somaliland ee markka intooda badan way ka soo horjeedeen, markii  u haddana 2001dii fasaxay nidaamka xisbiyadda badan ee oo ku dhawaqay xisbiga UDUB haddana siyaasintii way ka soo horjeedsandeen, waxaana loo qabtay muuddo uu ka ga noqdo kuna baabiyo ururkii UDUB. Ujeedadoodna waxay aheyd in madaxweynah Somaliland lagu doorata nidamkii beelaha.

Anagu markii bishi Aug. 2001dii  aanu ku dhawaaqnay ururkii UCID waxaanu la kulanay  caddaawad  iyo aflagaadda badan oo lanaga dhigayo  dad madaxweyne Cigaal dhaqdhaaqajiyey. Dhismaha ururka UCID waxuu ka midyahay wanaag badan oo aan ka qayb ahaa oo Somaliland badbaadiyey laga bilaaba dagaaladdi sokeye ee 1994- 96kii. Waxaa huubal ah haddi aan la furin ururada siyaasada oo mar sadaxad lagu nooqon laha shir beeleed in aany soomalialnd ka kabatiin dhiibaatadda ka dhalan laheed.

Haddaba maantan wax taagan khatartii aynu ka badbaadnay 2001ddi ee ay dad lahaa hunguri kursi is la hayeen waad ku gaadhi kartaan iyaga oo indhaha ka laalinayey dhibatadda ka  dhaalan karta.

Maanta isla siyaasiin  leh damac kursi madaxweyne  laakiin sidi cadadda  u ahayd siyaasinta Somaliland wax uga hoosiya jirin kursiga ay u ololaynayaan wixii ay ka soo horjeedeen 2001dii, furtaan ururo siyaasaddii oo waliba aan distoorku ogaleen. Waxaan u arkaa in arintaas aay keeni doonto dhibaato badan oo dalku ka soo kaban dooniin, shacbiga somalialand ee aan haddaba waxba  ku midaysniin laakiin is nabad galiyey aay iska horimadoono, jilb jilbna u kala kalaa bixi doono, iyado oo aay miisha ka maqantahay dawlad adag iyo diiwaan galin fiicani. Maanta Soomaliland waxaa ka jira koox sii qawaan madaxbaanindda Soomaliland ka soo horjeeda iyo koox hoobiysan oo ku dartay in aany Soomaliland hirgalin oo jabhad hoobiysan sameeystay. Haddaba haaddi aanay dawlado la iman istaratijiyad iyo siyassad  shacbiga lagu midiynayo dalkana lagu hoogaminayo oo muulaaqan iyo waax kastaba aragtidan qabilaysan la dhaafin, Soomaliland waxay galidoona xalaad cadawgeedo ka faaidaysandoono haamiigeedina maa gaadhidoonto waligeed.

Haddaba waxaan madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaya inuu sameeyo geesinimadi   marxuum Cigaal ee 2001di  saameyey ee oo ku adkaystay  furitaankii Ururda Siyaasada, isgaa oo llaalinaya  difaacayana  distoorka. Waxaay madaxdo taarikhda ku gaasha go’aamada adag ee gadaal shacbigu  ka fahmaan.

 

Dhinacayga aniga oo 18 sanaadood , ila 1992kii naftaydi iyo maalkaygii siiyey Somaliland, marar badan oo ay khatar gashayna Ilaahay mahadii ka saaray, dadka qarkiina iigu magacabo badbaadiyaha Somaliland ayaan maanta  ku taalin laha laba arimood.

1.    Anigu oo aan wali gaadhin himaladaydii ahayd in aan Somaliland ka dhigo Insha allah dal aqoonsi leh oo caddaalad iyo midnimo  ku shaqeeynaya salna  Diinta Islam  iyo shareecadeedu ay tahay Ayaan diyaar u ahaay in aanu isbadal ku sameeno distoorka xisbiga UCID oo aanu kala  saarno jaagada gudomiyanimada xisbiga iyo  jaagada musharxnimada madaxweynenimada. Markaa waxaanu ku casumayna  dadka damac leh in ay iska soo sharaxaan xisbiga UCID anaga oo uu dayndoona , sii dalka loo ga joojiyo buurbur ku yimaada.

2.    Waaxan madaxweye Axmed kula talinaya in u si dhakhsa  ah u qabto shirweyne qaran oo la gaga wadda tashaddo siidii looga gudbi lahaa arimaha adag ee dalka horyaala. Iyada oo jiraan arimo badan oo u baahan wada taashi qaran.

 

By:- Gudoomiyaha Ucid 

Eng Faysal Cali Waraabe

Wargeyska Geeska Afrika marnaba kama masuul aha fikirka siyaasiga iyo shaqsiga gaark ah, waxaase ka masuula cida ku saxeexan

Comments are closed.