Bristol (Geeska) – Munaasibad Balaadhan oo lagu soo dhaweynayay Taageereyaal Dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Salal, Awdal iyo Hawd oo ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa habeen hore lagu qabtay Magaaladda Bristol ee Carriga Ingiriiska. Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyeha Xisbiga Wadani ee UK Md. Xuseen Aadan Cade, Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Wadani Mahmuud Raage, Wasiirkii Hore ee Warshadaha Maxamed Saleebaan Weyne iyo xubno kale. Ugu horeyn Waxa Munaasibadaasi hadalo koob-kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee UK Xuseen Aadan Cade, waxaanu u balanqaaday in ay ka xisbi ahaan taageereyaashan iyo masuuliyiinta ku soo biiray tusi doonaan in aan xisbiga Wadani la kala lahayn. Waxa kale oo uu ku amaanay xooga cusub ee ay ku soo biiriyeen xisbiga Wadani. Dhinaca Kale Xoghayaha Siyaasada ee xisbiga Wadani Maxamuud Raage oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin taageereyaasha cusub ee ku soo biiray. Wasiirkii hore ee Warshadaha Maxamed Saleebaan Weyne ayaa isna sheegay in ay dhiiri gelin iyo waliba farxad u tahay xisbiga Wadani taageereyaasha cusub ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Awdal, Salal iyo Hawd ee cududooda ku soo biiriyay xisbiga Wadani. Gabogabadiina masuuliyiintii kala watay taageereyaashan ku soo biiray Xisbiga Wadani ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qaabka loogu soo dhaweeyay Xisbiga Wadani.