Burco: Cuqaal Iyo Waxgarad Xukuumada Uga Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada

0
630

Burco(Geeska)- Salaadiinta ,Cuqaasha ,Siyaasiyiinta .Waxgaradka iyo Gudiyadda Beelweynta Habar-yoonis ee gobolka Togdheer ayaa si wada jir ah u qaadacay diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumadda Siilaanyo xanbaarsantahay .

Salaadiintan iyo Odayaashan oo shir jaraa’id ka qabtay Magaalada Burco  ka dib shirar hoosaadyo mudooyinkii u danbeeyay u socday ayaa sidoo kale Xukuumadda Siilaanyo ku wargaliyay in ay joojiso carqaladaha ka dhanka ah doorashadda ee ay wadanka ka wado ,taasi oo ay cadeeyeen in aaney mar-naba aqbali-doonin . “ Ujeedada ugu weyn ee beeshu iskugu timi waxa weeye marka kowaad  ,beesha Habar-yoonis waxay si buuxda u qaadacday Diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumadda Siilaanyo fool-eryayso  ,waxa kale oo beeshu taageertay go’aankii Labada Xisbi mucaarid ku qaadaceen Diiwaangelintaasi, way soo dhawaatay doorashadii waxa diyaar loo yahay diiwaangelintii cod-bixiyayaasha ,wax kale oo carqaladeeya looma baahna ,beeshuna guud’ahaan ma aqbali-doonto in la carqaladeeyo doorashadda ,hawshaasi ninkii calooshiisa ay ku jirtayna hayska iloobo ,Teesaradda awal hore-ba waa la qaadan-jiray ,doorashana laguma xidhi jirin “ Sidaasi waxa yidhi Cawil Yuusuf Dhiig Gudoomiyaha Gudi-cibraanta Burco.

Sidoo kale Guddoomiyihihii hore ee Xisbiga Udub Ayaanle Cismaan Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.” Diiwaangelinta Madaniga waligeedba waxa bixinaayay Dawladaha Hoose ,maaha marka  doorasho timaado in Xukuumadu mar-marsiiyo ka dhigto  ,taasi sidaasi Xisbiyadu u qaadaceen ayaanu u qaadacnay.

Maanta waxaynu u baahanay doorasho xor iyo xalaal ah ,ha la galo diiwaangelintii cod-biyayaasha ,waxaan leeyahay yaan taasi wax kale lagu khaldin ,beeshanina waxay ka hadlaysaa waa taas.

Madaxweyne Siilaanyana waxaan leeyahay Madaxweyne maanta nin kaa da’wayni dalka ma jiro ,waxaana  laguu dhiibay dal dhamaystiran oo nabad ah oo midaysan , markaa waxaan ku leeyahay Madaxweyne gacantaada yaanu ku burburin ,hore-na kalmadaasi waa laguu yidhi maantana waanu ku leenahay.

Waxaanan leeyahay Madaxweyne adiga iyo Xisbigaaguba  ha shakiyina doorashadda toos ha loo galo waynu isgaranaynaaye .

Mida kale waxaan leeyahay hadaynu Somaliland , waxaynu ku nabad iyo caano maalnay Dimuqraadiyad ,Dimuqraadiyadeenuna intii aynu dastuurka samaysanay kumay koobnay  dhir hoosteed ayaynu midna ku dooran jiray midna xilka kaga qaadi jiryay ,waligeedna digteetar inama qabsan ,maantana waxaan leeyahay dalkeena yaaney Digteetariyadi ka muuqanin “ Sidaasi ayuu Ayaanle halakiisa kaga baxay.

Geesta kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Oday Dayr Maxamed Cilmi ,Suldaan Maxamed Jaamac Jikaar ,Suldaan Maxamed Muuse Cune ,Caaqil Cabdi Muuse iyo Odayaal kale kuwaasi oo dmanaatood hoosta ka xariiqay in aaney aqbalaynin beel’ahaan in doorashadda maalin lagu daro.

Waxa kale oo ay qaadaceen Diiwaangelinta Madaniga ah isla markaana waxay soo dhaweeyeen mawqifkii Labada Xisbi mucaarid ku qaadaceen Diiwaangelinta Madaniga ah.

Mida kale waxay beelaha Somaliland ugu baaqeen ay amnigooda ilaashadaan isla markaana dabinadda amni-daro ee Xukuumadda Siilaanyo doorashadda ku khal-khalinayso iska jiraan.