Xaaska Raysalwasaaraha Soomaaliya Oo Kenya Lagu Xannibay Kadib Markii Shandaddeeda Rasaas Laga Helay

0
515

Nairobi (Geeska)- Xaaska raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke ayaa muddo uu booliiska Kenya ku hakiyey garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta kadib markii shandad ay sidatay laga helay rasaas.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Nairobi news waxa uu intaas ku daray in subaxnimadii sabtididii 15ka Ogost 2015ka, Marwo Caasha Yaasiin Xasan oo u sii gudbaysay dalka Maraykanka, markii shandaddeeda la mariyey qalabka baadhista ee gegida diyaaradaha Jommo Kenyatta, laga helay 16 xidhmo oo rasaas ah, laakiin markii cabbaar la xannibay kadib dhaqso damiin lacageed loogu sii daayey, loona ogolaaday in ay safarkeeda sii wadato maadaama oo ay ak qayb galaysay kulan muhiim ah.

“Marwo Caasha, waxaa dacwaddeeda la qaadi doonaa marka ay ka soo noqoto Maraykanka” ayaa Isniintii toddobaadkan uu Nairobi News u sheegay Joseph Nthenge oo ah ku xigeenka taliyaha booliiska ee garoonka diyaaradaha. Isaga oo intaas ku sii daray in booliisku uu arrintan baadhis ku samayn doono.  Wararka qaar ayaana sheegaya in haddii baadhitaankan lagu ogaado in Caasha aanay ogeyn rasaasta ku jirta shandaddan sida ay ku doodayso aan arrinteeda maxkamadda loo gudbin doonin.

Xaaska Cumar Cabdirashiid waxa ay booliiska gegediyada diyaaradaha ee Nayroobi u sheegtay in shandaddan uu odaygeedu isticmaali jiray, markii ay soo baxaysayna iyada oo aan si fiican isaga eegin ay degdeg ah uun alaabteeda ugu soo guratay, maadaama oo uu waqtigu ku yaraa