Xaalad Abaareed Oo ka Taagan Salaxley Iyo Baligubadle Iyo Qaylo-dhaanta Guddiyada

0
695

Hargeysa (Geeska) – Iyadoo guud ahaanba xaaladda abaareed ee ka jirta dalka Somaliland ay tahay mid aad u adag isla markaana ay abaartu saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada, ayaa haddana waxa ay abaartu kusii fidaysaa deegaano hor leh kuwaasi oo intooda badan aanay jirin wax gurmad ah oo la gaadhsiiyay.

1

Degmooyinka Sallaxley iyo Balli-gubadle ayaa kamid ah deegaanada ay abaartu saamaynta xun ku yeelatay, waxaana dadka iyo duunyadii halkaasi ku noolaa ay u hayaameen deegaanada hawdka fog ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo gobollada galbeedka Somaliland.

Magaalooyinka ku yaalla deegaanadaasi ayaa intooda badani ay cidlo yihiin, iyadoo guud ahaanba ay istaagtay noloshii caadiga ahayd ee halkaasi ka jirtay, waxaana dadka iyo duunyada halkaasi ku nool soo foodsaartay biyo la’aan iyo baad la’aan.

Dadka ayaa codsaday in gargaar degdeg ah lala soo gaadho, iyadoo aanay illaa haatan jirin cid gurmad u fidisay dadkaasi.

Dhinaca kale, guddiyada horumarinta ee Sahan-barwaaqo iyo Afgarad ayaa shir jaraa’id oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen waxay ku baaqeen in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay ee ku nool Sallaxley iyo Balli-gubadle.

Maxamuud Muuse Gooni oo ah guddoomiyaha guddida Sahan-barwaaqo iyo Maxamed Cali Madoobe oo ah afhayeenka guddida Afgarad ayaa waxa ay sheegeen in aanay xilligan suurtagal ahayn in dalka ay doorasho ka dhacdo maadaama goobihii diiwaangelintu ka dhacday ay ka jirto abaar aad u ba’an, iyagoo soo jeediyay in dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay loo gurmado.

Ugu dambeyntii, Afgarad iyo Sahan-barwaaqo ayaa waxa ay baaq u direen shirkadaha ganacsiga iyo tijaarta dalka Somaliland iyagoo ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha.