Xaakim Is Hortaagay Amarkii Trump Uu Ku Soo Rogay 7 Dal Oo Muslim Ah

0
584

Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaadh ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dhoofayaasha 7 dal oo Muslim ah.

1

Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhuftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, iyadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

Go’aankan ayuu kadis ku noqday Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka oo sheegay inuu racfaan ka qaadanayo go’aanka kasoo baxay Maxkamada gobalka Washington State, balse hay’adaha socdaalka iyo Airporada Maraykanka ayaa amar lagu siiyey inaanay horjoogsan Karin dadka heysta Fiisyooyinka (VISA) kahor xayiraadii Trump.

Arrintan ayaa u muuqata dagaal sharciyadeed oo ka dhex bilowday Maxkamadaha Maraykanka iyo Xukuumada Trump oo si weyn isaga soo horjeeda. Hore ayuu Garsoore kale oo ku sugan gobalka New York u joojiyey xayiraada la saaray Muslimiinta balse go’aankaasi oo ku koobnaa gobalka New York ayaa ahaa mid kumeel gaadh ah.

Hase yeeshee Garsooraha Jimcihii go’aankan cusub soo saaray ayaa fursad cusub siineysa dadkii hore looga horjoogsaday inay tagaan Maraykanka oo qaarkood ku xaniban dalal kala duwan oo ay Transit ku ahaayeen.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxeexay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.