Hargeysa (Geeska)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), ayaa talo odaytinimo iyo baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel Afweyn, waxaanu kula taliyey uguna baaqay inay joojiyaan dagaalka iyo dhiiga daadanaya, oo ay heshiiyaan, qaatana nabada.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ah muddane ka tirsan Guurtida ayaa sidoo kale sheegay inay arintan ka Guurti ahaan gali doonaan, waxaanu yidhi isagoo u waramaya Warbaahinta “Reerkaasi laba reer maaha waa reer weyn, habar lamaan weeye, kalgacal baa waligood ka dhexeeyey, qoys bay xisaabsan yihiin, Odayaasha Culima awdiinta, Milatariga, Bilayska umadda dhex gashayba waanu u ducaynaynaa, haddii aanu Guurti nahay anaga taayadayadii way danbaysaa, kolka laga faaruqo ee warka naloo keeno, markaas baanu leenahay, waxaana reerka leeyahay qoys baad tihiin, walaalo ayaad tihiin, inan iyo adeerkii inan iyo abtigii, inan iyo sodogii baad tihiin, ergada qaata, qolada ergada diida ma guulaysto, ILLAAHAY dhan buu ka habaaraya, Umadduna dhan bay ka habaaraysa, ILLAAHAYNA raali kama aha khilaafka, heshiiya ergada yaala,Tol diid waa ALLE diid, ninka ergaygaynaya ajaruun baa ugu jira, Ragga ergayey ee intaas idiin dubjiray, ee intaa gacal idinku jooga, wax alaale waxay idinka doonayaan ma jirto”.
Xaaji Cabdi Waraabe oo u ducaynaya labadan Beelood ayaa yidhi “Walaalay waan idiin ducaynaynaa, waanu idiin ergaynaynaa, walaalayaal heshiiya, qalbiga wanaajiya, sidii aad ahaan jirteen ku noqda, daaqa wada daaqa, biyaha wada caba, waad wada leedihiin, waligiina waad wada lahaydeen, dhulkana xukunkiisa Xukuumadda leh, siday u xukunto ayey u soconaysaa, ILLAAHAY faraj khayr qaba ha idin dhex mariyo, beerkiina burcad ha isku mariyo,intii dhimatayna ALLE ha u naxariisto”