Xaabsade Oo Wasiir Ka Doonaya Puntland Oo Noqday Xudunta Khilaafka Cabdiweli Gaas Iyo Ku-xigeenkiisa

0
563

Picture4Garowe(Geeska)-Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa go’aansaday inuu Axmed Cabdi Xaabsade noqdo wasiirka warfaafinta ee dawladiisa, waxase soo jeedinta Mr. Gaas qaadacay ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdillaahi Camey.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in labadan masuul ee maamulka Puntland hoggaamiyaa ay shanti caano maal ee u dambeeyay isku mari waayeen in Axmed Cabdi Xaabsade ka mid noqdo golaha wasiirada oo la filayo in la isku shaandheeyo. Mr. Cabdiweli Gaas ayaa aaminsan in Axmed Cabdi Xaabsade uu golihiisa xukuumadda ku soo kordhin doono culays siyaasi ah, gaar ahaan dhinaca Somaliland, waxaanu go’aamiyay inuu u magacaabo wasiirka Warfaafinta. Hase yeeshe waxa talaabadan si adag uga horyimid Madaxweyne-xigeenka oo aaminsan in Xaabsade aanu u soo kordhin doonin wax sumcad iyo culays siyaasadeed ah balse uu ku keeni doono tafaraaruq, gaar ahaan inay istaagi doonaan wada hadalo uu Mr. Camey sheegay inuu kula jiro siyaasiyiin ka tirsan kooxda Khaatumo.

Labadan aragtiyood ee Gaas iyo Camey ayaa sabab u noqday dib u dhac ku yimid isku shaandhayn lagu samayn lahaa golaha wasiirada Puntland. Sidoo kale waxa soo dhawaynta Xaabsade ee Cabdiweli Gaas ay sababtay iscasilaadii shalay ee wasiirka cadaaladda Puntland oo isna ka soo jeeda gobalka Sool lana safnaa madaxweyne-xigeenka. Wasiirkan is casilay ayaa qiray in khilaaf ka dhex jiro Madaxweynaha iyo ku xigeenka, isagoo sheegay inay isku qabteen in xilka laga qaado iyo inaan laga qaadin.

Si kastaba ha ahaate xil doonka Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ah xudunta sababtay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa, waxaana jira dedaalo la isugu soo dhawaynayo.