Wiil Uu Dhalay Madaxweynaha Cusub Ee Konfurta Sudan Oo Shalay Islamay

0
678

 

Wiil uu dhalay madaxweynaha  dawlada cusub ee koonfurta Suudaan ayaa wanqashii Qaranimada dalka uu aabihii Madaxweynaha ka yahay shalay kaga  dhawaaqay inuu islaamay.

Wiilkan oo magiciisa la yidhaahdo  John Salva Kiir  ayaa islaamnimadiisa kaga dhawaaqay masaajid ku yaala magaalada KHarduum ee caasimada dalka Suudan iyadoo markuu ku dhawaaqay islaamnimadiisa ay dadkii masjidka joogey aad ugu farxeen islamarkaana  alaahu akbartu is qabsatay masaajidkii.

John Salfakir magaciisii waxa uu u bedelay Maxamed salfakir   hadal  uu ka jeediyey masaajidka waxa uu ku sheegay inuu u hawl geli doono siduu diinta islaamka ugu  fidin lahaa koonfurta suudaan islamar ahaantaana aabihii waxuu ugu baaqay inuu diinta islaamka soo galo. Sida uu shalay baahiyay Aljazeera,  Maxamed Salfakir wiilasha salfakiir uu dhalay waa ka ugu caansan   waana nin dhalinyara ah oo xaas leh waxaana uu deganyahay maagalada kiij ee konfurta Suudaan

Arinta xiisaha lihi waxa weeye iyadoo  islaamnimada Maxamed Salfakir ay ku soo beegantay isla maantii shaly ee lagu dhawaaqay mdaxbanaanida dawlada koonfurta Suudan oo madaxweynihii ugu   horeeyey ka noqnayo Salva Kiir  Miyardit oo ah aabihii.