Wiil Maalqabeen Ku Noqday Nidaam Computer Oo Uu Hiwaayad Ahaan Sameystay

2
573

 

New York (Geeska/New York Times)- Nick D’Aloisio oo 17 jir ah ayaa la sheegay ka mid  noqday tujaarta caalamka ka dib markii shirkadda Yahoo kaga iibsatay qalab uu ikhtiraacay hanti gaadhaysa ilaa 30 milyan dollar.

Ninkan dhalinyarada ah oo Ingiriis u dhashay ayaa sameeyey Summly, nidaam ka caawinaya dadka inay u adeegsadaan mobilada akhriska macluudaad badan, nidaam shirkado kale ku hawlanaayeen, sida Circa.

“Waxay noqon doontaa safar xiiso leh, inaan aragno halka teknoolajigu ina gaadhsiiyey, oo shirkadda Yahoo u adeegsan doonto mobilada, waanan joogi doonaa inta Summly iyo Yahoo is adeegsan doonaan.”

Ikhtiraacaha nidaamka Summly ayaa sheegay inkastoo dad badan u arkaan Yahoo, mid gaboowday, waxuu filayaa inay weli haystaan fursad ay ku hantiyi karaan malaayiin adeegsata,

“Yahoo, annigu waxaan u arkaa, shirkadaha ugu horeeya internet-ka, malaayiin qofna adeegsadaan.”

D’Aloisio ayaa sidoo kale qiray inay la yaab ku noqotay sida nidaam uu hiwaayad ahaan u sameystay ku helo dhaqaale aanu filayn, isagoo da’ yar,

“Weligay hiwaayad ayaan u haystay, balse xaqiiqdii waxay dhalisay inaan ku helo wax aanan filayn, waxaanan u hambalyeynayaa  Horizons Ventures iyo Li Ka-shing, oo sharad aan kula galay samaynta nidaamkaa, la’aantoodna aanan haweysteen.”

Comments are closed.