Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska, ayaa duhurnimadii shalay xidhay weriye Muniir Axmed Cigaal oo ah guddoomiyaha warbaahinta Somaliland Today media group oo isugu jira wargeys maalinle ah iyo shabakad Internetka ah.
Booliska ayaa sheegay in Muniir loo xidhay ka dib markii uu salaadiin kula dagaalamay magaalada Hargeysa, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in xadhigiisu la xidhiidho arrimo siyaasadeed ka dib markii uu dhawaan cadeeyay inuu noqon doono murashax u tartamaya doorashada golaha wakiilada.
Hay’adda warbaahineed ee Somaliland Today ayaa warbixin ay xalay daabacday waxay xadhiga weriye Muniir ku eedaysay wasiirka hawlaha Guud oo ay shakabadu sheegtay inuu weriyaha la doonayo inuu ka shaqeeyo danaha dawladda iyo xisbiga KULMIYE. Ma jiro wax jawaab ah oo uu eeddan wasiirka hawlaha guud ka bixiyay.
Murahaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay Muniir wada socdeen markii la xidhay ayaa xadhiga ku eedeeyay xukuumadda Somaliland oo uu sheegay inay doonayso in saxafigani si qasab ah ugu sacabo tumo, waxaanu Jamaal yidhi “Anagoo marayna Hotel Maansoor oo aanu qado ku lahayn ayay na joojiyeen ciidamada boolisku, dabadeed waxay amreen inuu Muniir soo dego markii aan ku idhi hadaad xidhaysaan waaran sharci ma u sidataan waxay yidhaahdeen mayee amar wasiir baanu haysanaa amarna wasiirna waxba laguma xidho, anigoo Murashax Madaxwayne ah la iguma ixtiraamine xoog baa lagu kexeeyey, aniga ayaa idiin keenaya ayaan ku idhi way diideen oo iimay qiimeen markaa wallahi ninkaas si milgaha baal marsan ayaa loo xidhay intay isku jebiyeen ayay gaadhiga xoog ku galiyeen, markaa dadkii haldoorka ahaa ee dadka ku jiray haddii sidaas loola dhaqmo miyaanay mid subxaanale ahayn.”
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay inay ciidamadu qaab argagax leh ula qabteen Wariye Muniir Axmed Cigaal, waxaana uu yidhi ” sidii dawladda milatariga ahi u dhaqmi jirtay ayay u dhaqmeen wax naxariis ah may samayn markaa sidaas ayay wax u dhaceen”ayuu yidhi Jamaal oo la hadlay Somalilandtoday.”
Weriye Muniir ayaa ka sokow warbaahinta uu gaarka u leeyahay wuxuu ka tirsan telefishanka qaranka, mana jiro wax war ah oo ay wasaaradda warfaafintu ka soo saartay xadhigiisa.
Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa xadhiga Muniir ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu ku baaqay in Muniir uu helo cadaalad.