Wefti Kasocda Qaadhaan Bixiyayaasha Sanduuqa (SDF) Oo Booqday Mashaariicda Waddooyinka Iyo Biyaha

0
473

Hargeysa(Geeksa)-Wefti kakooban Saddex Danjire oo kasocda dalalka Denmark, Netherlands, Norway iyo madaxa hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Ingiriiska(DFID) ee Somalia iyo Somaliland, oo ay waddamadoodu si wadajir ah u qaadhaamaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa booqday laba mashruuc oo laga maalgeliyey Sanduuqan. Danjireyaasha waxaa booqashadooda kuwehelinaayey mas’uulyiin sare oo katirsan Dawladda Somaliland, waxayna soo indho-indheeyeen Mashruuca Biyo Balladhinta Hargeysa iyo Mashruuca Dayactirka Waddada Dila – Kalabaydh oo labadaba laga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Mashruuca Biyo-Ballaadhinta Hargeysa waxaa si wadajir ah u maalgeliyey Midawga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo kalabixiyey 15 milyan oo EURO iyo 8.6 milyan oo Doolar.

 Mashruuca waxa fulineysa hay’adda UN-Habitat oo kaashaneysa Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa iyo Wasaraadda Khayraadka Biyaha ee Somaliland.  Ujeedada mashruucu waa sidii loo horumarinlahaa biyaha Hargeysa, loona helilahaa biyo jaban oo nadiif ah, si kor loogu qaado nolol maalmeedka qoysaska nugul ee ku nool Hargeysa, iyada oo la balladhinayo biyo keydinta iyo qaybinta si loo helo biyo joogto ah, islamarkaana loo abuuro fursado shaqo

Waxa beeb cusub oo tayadiisu sarrayo oo hal dhuun ah lagu beddelayaa beebkii hore ee afartanka sanno jiray ee biyaha kasoo qaadijiray Geed-deeble. Beebkan cusub ee biyo qaybinta iyo xarunta cusub ee Geed-deeble ee  biyo-tuurista oo la dhisidoono 12ka bilood ee soosocda waxay awood u leeyihiin in ay gudbiyaan 20 milyan oo litir oo biyo ah maalintiiba. Si loo kordhiyo waxsoosaarka biyaha, afar ceel oo cusub ayaa hadda laga dhammaystirayaa Hora Haadley. Mashruucan waxa larajaynayaa in uu dhammaado bisha January 2017. Adeegyadan aasaasiga ahi waxay sees u yihiin hawlo biyo-baalldhin ah oo hadda socda iyo kuwo mustaqbalka lafulindoon oo 132,000 oo qof oo Hargeysa ku nool fursad u siin doona in ay biyo helaan.

Tan iyo markii ladhisay waddada Dila – Kalabaydh sannadihii sideetanaadkii, dayactirka waddadan lagu sameeyey wuxuu aha mid intabadan kooban, taas oo keentay in ay wadadu six un u burburto, sida kamuuqata godadka iyo burburka kale ee wadada oo mararka qaar keenta shilal aad u xun iyo in ay wakhti badan qaadato isu socodka maalooyinka ay wadadani isku xidho. Sanduuqa Horumarinta Somalialnd (SDF) wuxuu u qoondeeyey 2.7Milyan oo doolar in lagu dayactiro 19.2Km oo ah inta u dhaxaysa magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila iyada oo lagu salaynayo heerka caalamiga ah ee tayada waddooyinka. Mashruuca sidoo kale waxaa kamid ah samaynta calaamada waddada iyo askari-jiifa si loo sugo nabadgelyada waddada. Shaqada dayactirka waxa lafilayaa in ay dhammaato bisha June 2016, wadadan waxaa larajaynayaa in ay soo kor-dhindoonto safaro nabadelyo ah oo raaxo leh, islamarkaana uu yaraan-doono kharashkii gaadiidleyda kagelijiray dayactirk, waxa kale oo yaraandoona  whakhtigii isusocodka maagaalooyinka ay waddadu isku xidho.

Dhinaca Dawladda Somaliland, waxaa xubnaha weftiga kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Xuseen Ismaaciil, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxmed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Mudane Cali Xasan Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Ibrhaim Siyaad. 

Danjiraha dalka Denmark Ms. Mette Knudsen oo kuhadleysay afka weftiga ayaa ayaa tidhi “aad ayaannu u ladhacsanay in aannu aragno natiijada iyo waxqabadka lataaban karo ee maalgelintii aannu samaynay ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Waxaannu rajaynaynaa in ay dadka reer Somaliland dareemi-doonaan faa’iidad dhabta ah ee taageeradayada, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan sida biyaha iyo kaambayaasha dhaqaalah. Waxaannu ku dhiirigelinaysaa Dawladda Somaliland in ay hubiso joogteynta dayactirka kaabayaash muhiimka ah ee aannu maalgelinay islamarkaana la hagaajiyey”  

Waxaa isna sidoo kale u hadlay Dawladda Somaliland Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Xuseen Ismaaciil oo yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa Danjirayaasha nasoo booqday ee wakhtiga ku soo bixiyey sidii ay u soo arki-lahaayeen wixii ay dawladdu ku qabatay dhaqaalihii ay soo marinyeen Sanduuqa Horumarinta Somalialnd ee SDF. Nidmaaka Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa mid lagu reeyey, islamarkaana waafaqsan nidaamka waxtar waxtarka kusalaysan ee mucaawimooyinka. Maanta waxa aynu aragnaa waa midhii maalgelintiina oo markhaati maddoon ah. Waxaannu ku dhiirrigelinayaa qaadhaan bixiyayaash in Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF uu yahay habka ay Somaliland doorbiddo in mucaawimooyinka lagu soo hagaajiyo, sababta oo ah, nidaamkani waa mid shaqeeyey oo aannu anngu leenahay oo aannu sheegikarno shilinkasta halka uu galay”

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawaladda Somaliland;kaas oo socon doona muddo afar sano ah, looguna talo galayay inuu Dawladda Somaliland ka taageero hirgelinta qorshaha horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), dawladaha Norway iyo Netherlands

Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala soo xidhiidh:

 Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Mr Cali Xuseen Ismaaciil

AMA booqo www.somalilanddevelopmentfund.org oo aad ka helayso macluumaad dheeraad ah.