Wefti Ka Socda Deeq-bixiyayaasha Oo Hargeysa Imanaya Toddobaadka Dambe

0
611

Hargeysa(Geeska)-Wefti ka socda wadamada qaadhaan bixiyayaasha ee taageera geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa la filayaa inay toddobaadka dambe Hargeysa yimaadaan.

Weftigan ayaa la filayaa inay 4 bisha November ee toddobaadka dambe ay soo gaadhaan Hargeysa, safarkaas oo ka dhashay kulankii ay madaxda saddexda xisbi qaran toddobaadkii hore la soo yeesheen qaadhaan bixiyayaasha. Ujeedada weftigan ayaa lagu sheegay sidii ay u hubin lahaayeen waxyaabaha ka hirgalay qodobada ay soo balan qaadeen madaxda saddexda xisbi qaran oo ay ka mid ahaayeen ansixinta guddiga doorashooyinka, ansixinta xeerka diiwaangelinta ee golaha guurtida horyaala iyo arrimo kale oo farsamo oo khuseeya arrimaha doorashada ay wadamadani maalgelinta ku taageeraan. Hase yeeshee safarkooda ayaa ku soo beegmaya iyadoo labada qodob ee ugu muhiimsan ujeedada safarkoodu aanay hirgelin kuwaas oo kala ah ansixinta guddiga doorashada iyo ansixinta xeerka diiwaangelinta oo ah laba qodob oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka oo ay saddexda xisbi qaran soo balan qaadeen inay deg deg u dhamayn doonaan, maadaama oo ay qodobadani ka mid yihiin kuwa qabyada ku ah dhinaca Somaliland, marka la eego arrimah diyaar garowga doorashada.