Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay dalka soo gaadhay wefti ka socda shirkadda DP World oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee Shirkadaasi Sultan Axmed Bin Sulayem, ka dib markii ay horaantii bishan heshiis la gashay dawladda Somaliland kaas oo ku saabsan dekedda Berbera.
Weftiga ayaa diyaarad gaar ah ku yimid magaalada Berbera, waxaanay soo kormeereen dekedda Berbera, iyagoo indha-indhayn ku samaynaya dekedaas iyo qaabka ay u shaqayso.
Weftiga ayaa waxa ay la kulmeen dad kala duwan oo reer Berbera ah, waxaana dhinacyada ay arkeen ka mid ah golaha deegaanka Berbera.
Doodda Golaha deegaanka Berbera
Xildhibaan Saleban Khayre oo ka tirsan golaha deegaanka oo u hadlay xildhibaanada ayaa dood adag oo macquul ah hordhigay weftiga DP World, waxanau sheegay inay golaha deegaanku soo dhawaynayaan heshiiskaasi haddii uu macquul noqdo haddii kalena wuxuu sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan, waxaanu isagoo la hadlaya agaasimaha DP world uu yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa haddii heshiisku yahay heshiis macquula, laakiin weli gole deegaan ahaan maanu arag hesshiiskaas, maadaama oo aanu wakiil u nahay shacabka gobalka Saaxil ee na soo doortay, waxaanu farriintiina u gudbin karnaa markaanu aragno heshiiska xukuumadu idinla gashay, haddii kale dib u eegis ayaanu ku samayn doonaa, waxaanu eegi doonaa gobalka iyo deegaanka maxaa ugu jira.” ayuu yidhi xildhibaanku.
Hargeysa iyo weftiga
Weftiga ayaa markii ay dhamaysteen socdaalkoodii indha-indhaynta ahaa ee dekedda Berbera, waxa ay soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay kulan kula yeesheen Madaxweyne Siilaanyo. Kulankaasi markii uu dhammaaday waxa saxaafadda wada jir ula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo agaasimaha DP world Sultaan Axmed Bin Suleyman. Wasiir Sacad wuxuu yidhi “Heshiiskani waxa uu dhiirigelinayaa dad badan oo danaynaya inay dalkan maalgaashadaan, marka dalka la maalgashadana shaqo ayaa ka abuurmaysa, taasina waxay inoo suurto gelinaysaa inaynu maarayno dhallinyaro badan oo kuweena ah oo shaqo la’aan haysato, taasoo ah mudnaanta dawladan. Wuxuu u gudbay faah-faahin uu ku sameeyey mashruucan waxanu yidhi, mashruuca wejigiisa hore waa laba qaybood. Qaybi waa dekeda iyo waxa laga qabanayo, waxana weeyi in la balaadhiyo, lana tayeeyo ee maaha uun waa la maamulayaa oo maamulka dekeda hore inagu waynu ku fillan nahay. Waxase weeye in dekeda la waynaynayo oo lagu darayo 400M mark hore, iyadoo mardanbena lagu dari doono 400M oo kale. Mar uu ka waramayey shaqaalaha dekeda iyo mustaqbalkoodu sida uu noqon doono, wasiirku waxa uu yidhi shaqaalaha ka shaqeeya dekedu sidooda ayey uga shaqaynayaan.
Arrintaa dhawr jeer ayaanu waydiinay waxanay sheegeen in shaqaalaha dekeda wax ku kordha mooyaane aanay waxba ka naaqusmayn. Markay arrintaa ka hadlayeena waxay yidhaahdeen in markii ay dekeda Jabuuti ka hawlgaleen shaqaalihii joogay wax ku kordhay mooyee aanay waxba ka naaqusmin.”
Agaasimaha DP world ayaa ka waramay socdaalka ay ku tageen dekedda Berbera oo uu ku tilmaamay deked muhiim u ah Somaliland iyo gobalkaba. Sarkaalka ka socday DP world oo la weydiiyay doorka uu Cabdiraxmaan Boore ku leeyahay hirgelinta heshiiskan, ayaa kaga jawaabay “Sheekadan ku tidhi ku teenka ah hore ayaan u maqlay, sidaad adiguba u maqashay ee ku saabsan Boorre”.