“Wefti Dawladda Kenya Ka Socda Ayaa Dhawaan Dalka Imanaya Wakiilka Somaliland Ee Kenya

0
532

Hargeysa (Geeska)-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya danjire Cabdilaahi Cabdi Cali (Dhakaar), ayaa sheegay in Somaliland iyo kenya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi uu ka dhexeeyo, waxaanu sheegay in dhawaan ay dalka iman doonaan Madax ka tirsan Dawladda Kenya, waxaanu xusay in Dawladda Somaliya ay ka xun tahay xidhiidhkan,  cadawga kowaad ee Somaliland ay tahay Somaliya.

1

Safiirka Somaliland ee Kenya Cabdilaahi Cabdi Dhakaar oo wareysi  gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo kale, waxaanu yidhi “Xidhiidhka Kenya iyo Somaliland waa fiican yahay, waa xidhiidh waligiiba soo jireen ahaa, oo qoto dheer oo xidido dhaadheer oo adag leh, laba nin iyo saddex nin toona waxba ma yeeli karaan, mar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu halkan [Kenya] joogay niman madaxa ayaanu la kulanay, waxaanu ka wada hadalnay xidhiidhka labada wadan, waxay doonayaan inay Hargeysa u soo diraan Wefti culus”.

Mar aanu wax ka weydiinay weftigaas uu sheegay inay ka socdaan Dawladda Kenya ee Somaliland ku soo waajahan masuuliyiinta ka midka ah wuxuu ku jawaabay “Niman madaxa oo ku jira Dawladda Kenya ayaa Somaliland imanaya balse ma doonayo in aan ka sii hor dhaco”.

Mar uu ka hadlaayey sababta dhabta ah ee ay Somaliya u joojisay Qaadka Kenya ayaa yidhi “Kenya loolan Doorasho iyo Siyaasad baa lagu jiraa,Badhasaabkii aan keenay Somaliland ayay Somaliya ka xanaaqday, balse Qaadka Kenya ee ay Somaliya joojisay kumay joojin oo qudha arinta Somaliland iyo hadalkii Badhasaabka oo qudha ee arintu wey ka fog tahay,cadawgeena kowaadna waa Somaliya oo talaabo alaale talaabada aanu qaadno wey ka hinaasayaan sida aanu u furnay Safaaradan aad bay u warwarsan yihiin,marka warar ay maqleen oo uu sheegay Afhayeenka Kenya ayey ka xanaaqeen oo uu yidhi Dawladda Kenya Somaliland ayey aqoonsanaysaa sidaas ayey u xidheen Diyaaradihii Qaadkii,xidhiidh Somaliland iyo Kenyana aad baan ugu kalsoonahay wax dhibaato ah oo iga hor yimidna maan arag, dadka reer Kenya ah ee Somaliland yimaadana Safaarada ayey noogu yimadaany, oo Fisaha ayey naga qaatan, oo aniga bixiya”.