Waxaanu Saxeexnay Heshiis Maalgelin Ah Oo Ku Kacaya $70 Milyan Oo Lagu Casriyeynayo Madaarka Caalamiga Ah Ee Hargeysa

0
601

Hargeysa(Geeska)Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fuaad Axmed Nuux, ayaa heshiis la saxeexday Shirkadda Maalgashiga Caalamiga ah ee International Maharat Investment, kaas oo lagu casriyeynayo Madaarka Cigaal ee Hargeysa.
Heshiiskan dhismaha madaarka oo ku kacaya $70 milyan (toddobaatan milyan oo dollar) ayaa shalay lagu saxeexay Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center – DIFC), sida lagu sheegay warbixin ay baahisay wasaaradda duulista.

Mashruucan ayaa noqonaya maalgelintii ugu ballaadhneyd ee lagu sameeyo kaabayaasha madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah mashruuca labaad ee ugu weyn ee maalgelinta dibadda ee dalka ka hirgasha kadib mashruuca DP World.

Shaqada dhismaha madaarka ayaa la filayaa in ay bilaabato lix bilood gudahood laga bilaabo saxeexa heshiiska, sida ay wasaaraddu sheegtay.
“Maanta waxa aanu gaadhnay guul weyn, waxaanu saxeexnay heshiis maalgelin ah oo ku kacaya $70 milyan oo lagu casriyeynayo Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.
“Maalgelintani ma aha oo keliya dhismaha kaabayaasha, balse waxa ay astaan u tahay ballanqaad ku wajahan isku xidhnaan wanaagsan, horumar dhaqaale, iyo barwaaqo waarta mustaqbalka.”
Wasaaraddu faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida uu heshiisku u dhaqangeli doono iyo waxa shirkadda dhisaysa ay ka heli doonto, hase yeeshee waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in shirkaddani ay gacan ku yeelan doonto maamulka garoonka muddo 20 sano ah kaddib marka dhismuhu dhammaado.
Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu sameeyay Somaliland maalgelin aad u weyn, isagoo dekedda Berbera ku bixiyay $450 milyan oo dollar, taas oo dekedda ka dhigtay mid casri ah. Sidoo kale, Imaaraadku waxa uu dhisay madaarka casriga ah ee Berbera iyo waddada Berbera Corridor.