“Waxaan Ogahay In Warancade Uu Yahay Raggii Daahir Rayaale Riday”

0
685

bubaHargeysa(Geeska)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kalena ah guddoomiyaha gudida joogtada ah ee Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland  Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in qof kasta oo hogaan ka ah Xukuumada Siilaanyo oo ku xadgudba shuruucda dalka la horkeeni doono Maxkamad umadda uga jarta dambigii uu ka galay.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta u warmaayey,waxaana uu ugu horeyn uu si aada u cambaareeyey talaabadii ay Xukuumada Somaliland ku hor joogsatay Fanaanada Sahra Halgan Xus ay u samaynaysay Xuska Maalinta Shuhadada SNM,waxaana uu talaabadaas ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde iyo Wasiirka ku Xigeenka Amniga. “Waxaan jecelahay in aan halkan ka cambaareeyo,eedna aan uga soo jeediyo Falkii waxshinimada ahaa ee ay Xukuumadu kula kacday muwaadinada,Mujaahidana ahayd ee Sahra Halgan ee Xafladii munaasibada ahayd ee ay ugu talo gashay Xuska Shuhadada ee ay ku qaban lahayd Hotel-keeda iyo Mujaahidiintii kale ee ka soo qayb gali lahaydba.Waxaanan jecelahay in aan ugu horeyn in aan Wasaarada Arrimaha gudaha aan si toos ah ugu cambaareeyo oo ay iyadu ay tahay cida fulisay go'aankana lahayd in la hor istaag,sida aad la socotaana mujtamaca reer Somaliland waa dad iyo dal dimuqraadi ah weeye munaasibad iyo xaflad cid uu sharcigu u diidayaa in ay qabato haba yaraatee ma jirto qof kasta oo muwaadin ah oo reer Somaliland ahba ayaa xus samayn kara munaasibad qaban kara,sharfi kara,karaamayn karana cidii dadkan iyo dalkan qadarinta ku lahayd arrintaasi waxaa ay muujinaysaa Kalitalisnimo waana dhaqanka dadka fashilmay ay ku dhaqmaan weeye.waana wax keeni kara in ay iska horyimaadaan bulshada iyo taliska hawl gabka ah ee cad ceeda sii dhacaysa ah ee maanta qaranka ka taliya ee hogaanka u haya.waxaan u sheegaynaa Wasiir ku xigeenka Daakhiliga ee Aminiga Qaabilsan iyo Wasiirka Cali Waran Cadde labaduba in ay ku fashilmeen xilkii qarankan loo igmaday.Eeda halkaas ka dhacday iyo tacadiga ay ku sameeyeen muwaadiniintaasna ee sharafta iyo karaamada ka mudana iyaga ayaa dambigooda iska leh"Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buuba

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Md:Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in ay ka Xisbi ahaan ay si aada u cambaaraynayaan falkaas ay Xukuumadu kula kacday Sahra Halgan,waxaana uu carabka ku dhuftay in sababta Sahra Halgan ay Xukuumadu uga hor istaagtay in ay qabato Xuska Shuhadada SNM ay tahay in ay ka tirsan tahay Xisbiga WADDANI,waxaana uu yidhi:"Waxaanu anaga oo Xisbiga WADDANI ah aanu ku cambaaraynaynaa inantaas iyo martidii kale ee u imanaysayba Xaflada Munaasibada qiimaha leh ee ay iyadu ka mid ka ahayd mujaahidiintii qarankan soo xoreeyey qabanaysay in lagu diidan yahay oo kaliya Xisbiga WADDANI ayaa ay ku jirtaa.waxaanu leenahay waa kamid waliba waxaa ay ku jirtaa madaxda Sar sare ee Xisbiga WADDANI.iyada se sharciga ayaa u ogal,qawaaniinta dalka taalana waa ay u ogashahay in ay xaflad qabato”.

Md:Ibraahim Mahdi Buubaa waxaa uu sida oo kale uu sheegay in ay maxkamad la gayndoono wakhti wakhtiyada ka mid ah cid kasta oo ku xad gudubta ku dhaqanka shuruucda dalka.

"waxaanu u sheegaynaa maanta laga bilaabo Liis wayn ayaa ay ku qornaan doonaan dadka Madaxda ah ee sharci darada ku dhaqmayaa maalinta ay doontana ha gaadhee,maalin maalmaha ka mid ah ayaa lala tiigsan doonaa garsoorka iyo Haayadaha sharciga ama Wasiir ha ahaado ama Taliye Ciidan ha ahaado,qof kasta oo Xukuumadan ka mid ah Xukuumadan tacadi kasta oo ay ku dhaqanto maaha mid la ilaabi karo mid loo dulqaadan doonana maaha,waana mid lays kaga daba tagaayo"ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Ugu danbayntiina Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxaa uu ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde in uu Xukuumada Siilaanyo ku ridaayo god uu sheegay in uu hore ugu riday Xukuumadii tan ka horeysay ee Daahir Rayaale Kaahin. "Waxaan ogahay in ninkaas Cali Waran Cadde uu yahay Daahir Rayaale ragii riday ee jilbaha dhulka ugu dhuftay,nidaamka uu ku dhaqmaayo maantana ay tahay in uu Xukuumadan doonayo Iilkii uu tii hore dhigay in uu tana dhigo,waana ay muuqataa oo anagu dee kol haday iyagu ay qaateen oo ay sidaas kula heshiiyeen macaal iyaga ayaanu ku cambaaraynaynaa oo dee iyaga ayaa xilka u dhiibtay kol haday iyagu ay sidaas ay jecel yihiin iyaga ayaa dambiyada la leh oo kaligii ku noqon maayo"Ayuu yidhi Md:Ibraahim Mahdi Buuba.