“Waxaan Ku Talinayaa In Tabasho Iyo Cabasho Kasta Oo Soo Baxa Wada Tashi Lagu Dhammeeyo”

0
498

 

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Doorashooyinka isku sidkanaa ee dalka ka dhacay, waxaanu ku taliyey in tabasho iyo cabasho kasta oo soo baxa in wada tashi iyo wanaag lagu dhammeeyo. 

Suldaan Aadan Faarax Cumar,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Labada Doorasho ayeynu mar wada qabsanay, in laba  Doorasho mar wada qabsano, walibana si nabadgalyo ku dheehan tahay aynu u qabsano, guul iyo gobonimo ayey inoo tahay, waxay mahad oo dhami u sugnaatay ALLE, ee qabsoomidda Doorashooyinka iyo qaabka quruxda badan ee ay inoo dhaceen waxaan ugu mahadceliyaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Golaha Guurtida, Komishanka oo ilaa hadda si wacan hawsha u wada, waxaan se si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciidamadeena kala duwan ee iyagu masuuliyadda iska saaray sugidda nabdgalyada iyo inay Doorashooyinku inoogu dhacaan si bilaa buuq ah, waxaan kale oo aan ugu mahadnaqayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan kuwaas oo si fiican codkooda u dhiibtay”.

Mar uu ka hadlayey natiijada Doorashooyinka wuxuu yidhi “Dhammaanteen waynu wada guulaysanay, keena soo baxa iyo keena dhacaaba guul ayeynu wada gaadhnay, oo ALLE qofku u qoray ayuunba soo baxaya, haddii tartan dhacana waa la kala badiyaa, ee wixii soo baxa in lagu wada qanco ayaan soo jeedinayaa, ee waxaan ku talinayaa in tabasho iyo cabasho kasta oo soo baxa in wada tashi iyo wanaag lagu dhammeeyo oo aan carqalad la abuurin”.  

 

Geeska.net/Hargeisa Office