Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shirweynihii Beelaha Arab ugu soo dhammaaday magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd. Warsaxaafadeed uu gudoomiye Muuse Biixi soo saaray ayaa wuxuu ku ydihi “Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, hogaanka xisbiga, golaha dhexe, guddida fulinta iyo ka dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo u dirayaa shirka beesha Arab uga socda magaalada Balligubadle ee xarunta gobalka Hawd.
Sidoo kale gudoomiye muuse Biixi wuxuu bogaadinaya Ergooyinka tirade badan ee shirkaas ka qayb galay isagoo badheedhe iyo barwaaqo u rajaynaya.
Gabagabadii wuxuu gudoomiyuhu u rajaynayaa beesha arab ee shirkaasi u socdo inuu ugu soo dhamaado guul iyo horumar.”