“Waxaan Ahay Akhristaha Koowaad Ee Geeska Afrika”

0
891

Picture1Hargeysa(Geeska):-Caaqil Maxamuud Hindi Aadan aw-Xuseen oo ka mid ah akhristayaasha la sagaal jirsaday wargeyska Geeska Afrika mudadii uu ku jiray tabinta hawlihiisa wareed oo maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay ku beegnayd wakhtigii uu cadadkiisii ugu horeeyey soo baxay 17.April.2006, ayaa faah faahin ka bixiyey sidii uu ugu soo xidhnaa mudadaa dheerayd ee uu wargeyska Geeska Afrika soo baxayey, waxaana uu sheegay in tan iyo wakhtigii uu soo baxay cadadkii ugu horeeyey ay dhaafeen oo qudha Laba cadad isaga oo dalka dibada uga maqan awgeed.

Caaqil Maxamuud Hindi Aadan oo ah nin dhalinyaro sida oo kalena ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa waxa uu noqday akhristaha koowaad ee Geeska Afrika, waxaanu sagaalkaas sannadoodba si xidhiidh ah u iibsanayay Wargeyska Geeska Afrika, waxaana dhaafay oo keliya laba maalmood oo uu safar ku maqnaa. Caaqilka ayaa  hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn ka waramayaa qaabkii uu uga mid noqday akhristayaasha wargeyska Geeska Afrika.

"Wargeyska Geeska Afrika maalintii ugu horeysay ee aan la kulmo, waxaa ay ahayd cadadkiisii Koowaad ee maalintii uu soo baxay oo aniga oo wakaalada biyaha ku sii socda ayaa halkan dhakhtarka iyo wakaalada u dhaxaysa inamada Joornaalka la taagan, ayaan jaraa'idkii damcay in aan xabad ka qaato, aniga oo markaa markii hore akhriyi jiray jaraa'idka Jamhuuriya, dabeetana jaraa'idkana magaciisa ayaa aan markiiba ka helay Geeska Afrika, kadib inamadii ayaan ku idhi jaraa'idkana yaa soo saara oo tifatire ka ah, deedna inankii waxaa uu igu yidhi Maxamed Rambo ayaa Tifatire ka ah, deedna waxaan ku idhi haddii Maxamed Rambo uu tifatire ka yahay waxaan qaadanayaa xabad Jaraa'id ah, marka jaraa'idka maalintaas oo cadadkiisii koowaad ahayd ayaan la soo jaan qaaday illaa maanta oo uu  sagaal jirsadayna waxaan runtii ka mid ahay akhristayaashiisa sida joogtada ah ugu xidhan intii uu jaraa'idkaasi soo baxayna aniga Laba maalmood oo qudha ayaa idhaafay, labadii maalmoodna xafiiska Geeska ayaan ka imi, deedna xafiiska labadii mid ka mid ah ayaa la iiga helay. Markaa jaraa'idka Geeska Afrika horta sidaas ayaan ugu soo xidhnaa mudada dheer ee uu soo baxaayey.".Ayuu yidhi Maxamuud Hindi.

Md.Maxamuud Hindi Aadan, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha uu ku doortay wargeyska Geeska Afrika iyo sida oo kale barnaamijyada uu sida aadka ah u xiiseeyo akhrintooda, isaga oo wargeyska Geeska ku amaanay in uu mudada uu ka midka ahaa akhristayaashiisa uu ku bartay warar dhex-dhexaad ah iyo illaalinta ku dhaqanka anshaxa Saxaafadaba, waxaana uu yidhi:

"Waxyaabaha aanu ka faa'idnay wargeyska Geeska Afrika waxaa ka mid ah wararkiisu waa warar runtii lagu kalsoonaan karo, jaraa'idada maanta dalka ka soo baxaana waa ay fara badan yihiin, laakiin marka aad doonayso kalsooni warka in aad ku qabto maanta oo aad tidhaahdo jaraa'idkeedbaa qoray oo ay xataa bulshadu ku waydiinaysa oo marka aad war u sheegto waxaa ay ku odhanayaan jaraa'idkee ayaa qoray, markaa hadaad wax kale u sheegto waxay ku odhanayaan waar malah waa waxiisii ee iska daa, laakiin marka aad tidhaahdo Geeska Afrika ayaa qoray oo aan ka soo akhriyey, waxaa laga yaaba in ay dad badan marka ku qancaan oo warkaas ay raali iyo mabsuud ku noqdaan. Dhinaca barnaamijyada marka aynu eegno runtii kobaca maskaxda dadweynaha wax badan ayaa uu ka qayb qaatay oo ha ahaato bugaaga taariikhaha ah ee uu soo turjumaayo ee ay dhan walba isku hawlaan, ha noqoto daraasaad fara badan oo caafimaadka laga sameeyey ama dhacdooyin kale oo dunida ka dhacayba ha noqote Geeska Afrika barnaamijkiisa Goos Goosku waa barnaamij dhaxal gal ah oo runtii ka inta badan iguba sii xidha ayaa uu ka mid yahay, waayo wararka kale waa la iska heli karaa, jaraa'idada kale waxa uu dheer yahayna waxaa ka mid ah waa Boga Goos Gooska oo ka qayb qaata qofka maskaxdiisa iyo kobaciisa daraasado badan oo aan ka helayna runtii waaban ku camal falay oo waan ku dadaalay in aan sameeyo, markaa runtii waan u mahad naqayaa Geeska Afrika, tifatiraheeda Maxamed Rambo, inanka aan isagana barnaamijyadiisa aan aadka ugu xidhanahay ee Kamaal-na aad ayaan isagana ugu mahad naqayaa, adiga oo Khadar Gureyte ahna waan kuu mahadnaqayaa iyo dhamaanba hawlwadeenada kale ee bahda wargeyska Geeska Afrika.".

Ugu danbeyntiina Caaqil Maxamuud Hindi Aadam aw-Aadam, ayaa waxaa uu wargeyska Geeska Afrika kala taliyey in uu ka qayb qaato sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Afka Somaliga oo muddooyinkii danbe ay ka xoog bateen afafka qalaad ee innagaga imanaaya dalalka shisheeyaha ah.

"Waxyaabaha aan wargeyska kula talin lahaa ee aanay wargeysyada kalena moogan yihiin waxaa ka mid ah luuqadeenii Afka Somaliga oo hoos u sii socota, gaar ahaan marka aad u fiirsato ardaydeenii Iskuulda iyo jaamacadaha dhiganaayeyba ay xiisada ugu hooseeyaan hada tahay xiisada Somaliga, marka waxaan odhan laha Geeska Afrika xilkaana ha qaado oo luuqadii Afka Somaliga ahayd sidii loo soo dhisi lahaa ama kor loogu soo qaadi lahaa ha raadiyo dhaxal galkii Gaariye iyo cidii kale ee noolba taariikh ha ka raadiyo, sugaanta lafteeda ta aan ceebta lahayn ee aanay ku jirin wax naxli ahi iyada lafteedu waxaa ay ka qayb qaadanaysa Afsomaliga koriinkiisa. Marka wargeyka Geeska waxaan kula talin lahaa in ay dhinaca Afka Somaligana ay ka qayb qaataan.".Ayuu yidhi Md.Maxamuud Hindi Aadam.