“Waxaad Moodaa Inaanay Madaxtooyadu Garanayn Siyaasadda Aynu Beesha Caalamka Ku Soo Jiidan Karno”Xildhibaan Maxamed-saalax

0
516

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Salaax Cige oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inaanay weli bulshada caalamku ku qancin dib u dhigista doorashada wakiilada.

1

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Shirka Golaha Dhexe ee Waddani natiijada ka soo baxda in lagu wada qanco, oo aanu la mid noqon Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye, waxaanu yidhi“Jasiirad go’an kama noqon karno Beesha Caalamka, Wadan curdin ah oo aan wali aqoonsi caalamiya helin ayeynu nahay, waxa se muhiim ah inaynu ciyaarno Siyaasadii aynu caalamka ku soo jeedin lahayn, maamulkeena iyo nidaamkeena dawladnimana aynu u ilaashan lahayn, labadaba waxa looga baahan yahay inay Madaxtooyadu la timaado, isla markaana xigmada dhabta ah ee Doorashada Wakiiladu dib ugu dhacday ay Caalamka u soo bandhigto ayaa Madaxtooyada la gudboon, balse waxaad mooda in Madaxtooyadani aanay garanaynin Siyaasada aynu Beesha Caalamka ku soo jiidan  karno.”

Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha Dhexe ee Waddani ayaa yidhi “Qaban-qaabada Shirka Golaha Dhexe ee Waddani ilaa hadda sida aan ka war qabo meel fiican ayuu marayaa, waxaana ku kalsoonahay in si fiican uu Shirkaasi u dhici doono, oo wixii ka soo baxa lagu wada qanci doono, waxaana hubaal ah in shirkani aanu la mid noqon doonin shirkii Kulmiye.”