“Waxa Naga Go’an In Isbedel Iyo Horumar Aanu Ku Samayno Tayada Waxbarashada Ee Dalka”

26
2964

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadah iyo Sayniska

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadah iyo Sayniska Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay xaalada waxbarasho ee dalka, waxaanu tilmaamay inay tayada waxbarashada ee dalka ay Xukuumad ahaan isbedel iyo horumar ku sameeyn doonaan, waxaanu fariin u diray Waalidka, Ardayda iyo Macalimiinta kala duwan ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadah iyo Sayniska Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Inkasta oo aynu ka soo gudubnay marxalado kala duwan, iyo duruufo nololeed oo aad u adag, haddana waa wax ALLE loogu mahadnaqo heerkaynu marayno, oo waxa jiray wakhti aanay dalkeena Jaamacuduhu aanay ka jirin, waxa jiray wakhti ay Jaamacaduhu ku yaraayeen, balse waa maansh allaah, inaynu maanta dalkeena goobo waxbarasho oo aad u badani ay ka furan yihiin, laakiin muhiimada ayaa ah in guud ahaan goobaha Waxbarasho ee dalku si xilkasnimo iyo daacadnimo ku jirto Ardayda wax u baraan, Waxbarasho tayo leh, Xukuumad ahaan waxa naga go’an in is bedel muuqda iyo horumar balaadhan aanu ku sameeyno tayada waxbarashada ee dalka, si ay inoogu soo baxaan Arday dhinac walba ka dhisan, oo ah Madaxdii mustaqbalka

dalkan hogaamin lahayd”.

Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Ardayda, Waalidka iyo Macalimiinta ayaa yidhi “Guud ahaan Ardayda waxa looga baahan yahay heer kastaba ha joogaane inay ku dadaalan sidii ay Waxbarashadooda u kobcin lahaayeen, dadaal dheeraad ahna u muujin lahaayeen, Waalidka waxa looga baahan yahay inay ubadkooda ka war hayaan, Macalimiintana waxa looga baahan yahay inay Ardayda si fiican oo akhlaaq iyo asluubi ku jirto wax u baraan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here