Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wararka soo baxaya ee sheegaya in loolan loogu jiro jagada Musharax ee Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye iyo tanaasulka Madaxweynaha ee la sheegayo inuu Madaxweynuhu aanu dib isku soo sharixi doonin, waxaanu tilmaamay inay muuqato inuu Madaxweynuhu tanaasulay.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin wareejinta Haamaha Shidaalka, dhibaatada Qabyaalada, xidhiidhka ka dhexeeya Xukuumadda iyo Barlamaanka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “”Waxa ay u muuqata inaanu Madaxweynuhu musharax ahayn, ilamana aha inuu mar labaad isa soo sharaxayo inkasta oo uu xaq u leeyahay, waana arin dimuqraadiya in la tartamo, oo lagu kala baxo, mar haddii qofka yidhi musharax baan ahay aan lagu kalsoonayn boqolkiiba boqol musharaxnimadiisa xaq baa loo leeyahay in la tartamo, laakiin waxa muhiim ah in cidii laga helaa in aanay xanaaqin oo aanay Xisbiga ka tagin,oo sida ay Dimuqraadiyadu tahay la tahniyadeeyo, oo la garab galaa, oo aan shaqsi shaqsi la isku nicin,Xisbiga Kulmiyena inay Rag badani damac yeesheen xaq baan u arkaa, oo qofna umuu dhalan inuu musharax noqdo, xaqbaana loo leeyahay musharaxnimada”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha Shidaalka ee la wareejiyey ayaa yidhi “Dal yar oo masaakiin ah ayeynu nahay,in wax kasta aynu farta ka saarno Shirkado gaar loo leeyahay inooma fiicna, haddii laakiin laga maarmi waayo waa inuu wuxu noqdaa wax cad, oo dadka oo dhami ka soo qayb galaan, oo lagu tartamaa, laakiin haddii aanay wixii wax cad ahayn tuhun bay keenaysa, tuhunkuna is aamin la’aan ayuu keenaa,is aamin la’aantuna haddii ay dhacdo qalalaase ayaa iman kara, markaas wixii qandaraas la bixinayo waa in Shacabka Somaliland u sinadaan, marka uu Wadanku yahay Wadan dimuqraadiyada ah, muwaadiniintu wey u siman tahay, laakiin haddii dadka la kala sooco oo dad la soo dhawaysto dadka kalena la fogeeyo, waxa soo baxaya dad dawladda ku xidhan, dadkii kalena waxa laga yaaba in aanay u dulqaadan oo shacabku kala fogaadan.
Waxa jira Caalamka qorshayaal kala ah in mid ay Dawladdu gacanta wax ku hayso, iyo mid ah in Dawladdu ka dhigto wax Dawladda iyo Shacabku walaalo ku yihiin, iyo mid ay cid gaar ah ku wareejiso, oo si cadaalad ah loo tartamo oo umaddu u tartanto, oo waa tii Dawladdii Cigaal la bixiyey Haamaha ee Total la siiyey, markaas buuq baa ka dhacay, laakiin wey fiican tahay in lagu wareejiyey Shirkado reer Somaliland ah,balse ugu horeyn dakhligii ay Dawladdu ka heli jirtay ma ka helaynaa, faa’iido ma inoogu jirtaa, daacad ma lagu bixiyey oo si cad ma loo bixiyey, oo tartan ma loo galay, dadkuna ma ka qayb galay, laakiin anaga xisbi ahaan Biyaha Laydhka, Caafimadka iyo Waxbarashada haddii ILLAAHAY yidhaahdo waxa aanu doonaynaa in aanu ka dhigno wax ay dawladdu gacanta ku hayso, dadkuna u siman yahay”. Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey xidhiidhka ka dhexeeya Barlamaanka iyo Xukuumadda ayaa yidhi “Barlamaanka iyo Xukuumaddu saaxib ayey ahaayeen, dhawaan bay kala baxeen, waana isku mid ee yaan la kala saarin, waxa dhacayana waxa ka kow ah Barlamaanka, waxaana ay ahayd in Barlamaanku uu dabro Dawladda, laakiin wey saaxiibeen weyna isku kordhiyeen, dalkan wixii wanaag iyo xumaan ka dhacaya Barlamaanka iyo Dawladdu wey u siman yihiin, waxa ka liita Dawladda ee ay Dadku aad u neceen waa Xildhibaanada, oo Siyaasada Xisbigooda ku socon, oo dadkii soo doortay dantoodii ku socon, weyna iska malafsanayaan, haddii ay Xukuumaddu ka baqaysana heshiisyada ayey soo marin lahayd laakiin waxa ay yihiin ayey og tahay”. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa yidhi “Umaddii qabyaalad ayaa baabisay, dad badan oo hadlayaana uma hadlayaan dan qaran ee dan gaar ah ayey u hadlayaan, meeshana waxa ka baxday dantii guud, waxaana iska hor imanayana danihii gaarka ahaa, haddii aan Faysal Cali Waraabe ahayna Shacabka cid sax ah oo u socota, oo danaynaya wanaag ma jirto, haddii ay noqoto Barlamaan, Guurti, Dawladduna waa taas oo waa Dawlad iska jilicsan, oo Dawlad xoog badan oo awood leh meesha kama muuqato”.