Wasiirro Golaha Wakiillada Ka Hor Difaacay Heshiiska Dekedda Berbera, Xildhibaanno Dood Adag Ka Hor Keenay Iyo Hadalladii Is Burinayey Ee Labada Wasiir

0
807

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay Golaha Wakiillada hor keentay heshiiska dekedda Berbera ee ay la gashay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World si uu goluhu u ansixiyo, waxa aana kal-fadhigan yimid masuuliyiin iyo wasiirro u socday in ay golaha ka qanciyaan wixii mad-madow heshiiskan kaga jira, ka hor inta aanu goluhu gudo gelin doodad iyo cod u qaadista heshiiska.

wwwwwwwww

Kalfadhig xasaasi ahaa oo ay soo xaadireen wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Warfaafinta iyo sidoo kale maareeyaha dekedda Berbera Injineer Cali Xoor-xoor iyo wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta mudane Baashe Cawil.

Kal-fadhigii Shalay ee Golaha oo uu Shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii uu furmay kadib waxaa nuxurka heshiiskan faahfaahin ka bixiyey wasiirrada arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dr. Sacad waxa uu mudanayaasha u sheegay in sababta koowaad ee xukuumadda heshiiskan ku kallifay ay tahay dekedda oo muddo dheer jirtay, sidaa awgeedna u baahan dayactir, uu sheegay in khabiir Jarmal ah oo mar yimid uu ku qiyaasay in ay u baahan tahay 15 Milyan oo doolar. Dr. Sacad waxa uu sheegay in 25 kii sano ee u dambeeyey dekedaha dalalka deriska la’ ah Somaliland maalgelin lagu sameeyey. Isaga oo xusay in nidaamka shaqo ee rarka iyo dejinta iyo xitaa nooca maraakiibtu ay casriyoobeen dunida oo dhan, laakiin Berbera aanay helin fursaddaas casriyeynta ah, sidaa awgeed aanay u habaysnayn una qalabaysnayn qaabkii ay rarkaas u rogi lahayd ama u rari lahayd.

Dr. Sacad waxa uu ku nuux-nuuxsaday in heshiiskani uu dan u yahay guud ahaan Somaliland, dhaqaale ahaan, dhisme ahaan iyo horumarin ahaanba. Waxa aanu tusaale u soo qaatay dalka Itoobiya oo uu sheegay in uu Somaliland ka dhexeeyo ganacsi sannadkii gaadha Lix illaa Toddoba boqol oo milyan oo doolar, laakiin uu sheegay in aanu isu dheelli tirnayn oo faa’idada ugu badan ay ka hesho Itoobiya, sida la isugu dheelli tiri karaana ay tahay in Somaliland ay adeeg u samayso adeeggaas oo ah kan dekedda Berbera.

Dhinaca kalana waxaa isna faahfaahintaas sii kabay wasiirka madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey heshiiskan Somaliland la gashay shirkadda DP World. In kasta oo uu wasiirku soo qaaday sababta ay heshiiskan horudhaca ah u keeneen golaha ee ay ula sugi waayeen heshiiska dhamaytiran, waxa uu kaga jawaabay in ay doorbideen in haayadaha sharci dejinta ay la wadaagaan heshiiskan. Waxa aanu ballan qaaday in heshiiska dambe ee kama dambaysta ahina aanu kan waxba ka beddelnaan doonin. “Haddii aanu heshiiska gunaanadno, oo Final concession agreement (Heshiiska kama dambaysta ah ee wareejinta) aanu saxeexno, mudane gudoomiye iyo mudanayaal markaa baahi badan looma qabo in golahan la hor keeno, waxa weeye nuxurkii tiirarkii heshiiskaasi ku tiirsanaa, aqalka marka la dhisayo seeska iyo kaabadaha iyo inta adag ayaa la dhisaa, hesiishkani intii uu ku taagnaa waa kuwa halkaa ku qoran” ugu dambayntii, Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ballan qaaday in haddii golaha wakiilladu heshiiskan diido aanay xukuumaddu ku sii socon doonin u gudubka heshiiska labaad, isaga oo codsaday in goluhu uu ku taageero.

Haddaba markii ay wasiirradu si faahfaahsan uga hadleen heshiiskan ayaa xildhibaanno golaha ka mid ahi ay la kaceen su’aalo iyo faallooyin kala duwan oo ay kaga hadlayaan dareenkooda ka soo horjeeda heshiiska shalay la horkeenay golaha, iyaga oo isku raacsanaa in heshiiskani maadaama oo aanu dhamaystirnayn ay tahay in golaha aan la horkeenin illaa inta uu dhamaystirmayo. Waxaa ka mid ahaa xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isagu dalbaday in la caddeeyo hannaanka iyo waxa ay dhab ahaan xukuumaddu rabto in la ansixiyaa in uu yahay heshiiska oo dhamaystiran iyo in kale.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo KULMIYE ka tirsan ayaa yidhi, “Guddoomiye heshiisku sida uu ka dhawaajiyey Maxamuud Xaashi, wuxuu yidhi tiirarkii baanu ka soo saarnay, horena waxa uu noogu sheegay annaga oo guddiya oo labadayada Guddoomiye ku xigeenno nala fadhiyaan in aan la keenayn heshiiska ee uu nuqulka keenayo maantana tii buu keenay, tiirar umaanu diran ee goluhu wuxuu xaq u leeyahay heshiiskii oo dhamaystiran oo xaraf xaraf ayuu Goluhu xaq u leeyahay”

Xildhibaan Cartan waxa uu heshiiskan ku eedeeyey in uu yahay mid musuq-maasuq ah waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa heshiis musuq-maasuqa oo aan sax ahayn inaad qabatana aanad xaq u lahayn waa qayrul sharci, heshiiska Golaha ha la keeno ayaan leeyahay”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamaac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa isaguna ka hadlay arrin la xidhiidha waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Conflict of Interest’ oo cid dano shakhsi ah ku leh heshiiskani aanay dabada ka riixayn, waxa aanu tusaale u soo qaatay heshiiska shirkadda DP World hore ula gashay dalka Jabbuuti oo uu sheegay in ay cid gaar ahi wadday, markii dambana muranki sharci ee shirkadda iyo dawladda ay sii xumaysay, isaga oo sheegay in uu maxkamaddii arrintaas laga qaaday goob jog ka ahaa, waxaa hadallada xildhibaanka ka mid ahaa, “Ma ballan qaadaysaan in aanay dhici doonin innamada ama hablaha aad ku darteen aanay noqonayn kuwa saamiyo ku leh sidii horeba u dhacday sidii Dekadda Jabuuti ay DP la gashay ee aan anigu Maxkamadii taagnaa”

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo isna ka hadla fadhiga shalay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan marka hore caddeynayaa oo aan doonaya in aan tilmaamo dhukumantiskani maaha heshiiskii sida darteed heshiiskii la wada galay Golaha ma yaalo maxa loo keeni waayey koobi ka mid ah heshiiskii maxaanu se ansixinaa, ma qoraal laga soo dhegtay heshiis ayaanu ansixinaa, ma heshiis maqan baanu ansixinaa, side buu ku dhacayaa sharciyan wax ka maqan inaad gacanta u taagto, sax ma noqonayo, dastuurina ma noqonayo Goluhuna hadii uu ku kaco Dastuurkii Qaranka ayuu jabiyey”

Haddaba wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo su’aashan u dambaysay ka jawaabaysay ayaa tidhi, “Somaliland qof iga jeceli ma jiro, hadad moodaysaan inaad kaligii jeceshihiin, kani waa heshiiskii, kan aanu idin soo hor dhignay, waa ka la galayo” Laakiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad oo isagu saxeexe dhinaca Somaliland ah ka ah heshiiska horudhaca ah ee dekedda ayaa si ka duwan wasiir Marwo Samsam waxa uu sheegay in heshiiskani aanu ahayn kii dhamayska tirnaa, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waraaqaha aanu idiin qaybinay maaha heshiiskii oo dhamaystiran, laakiin waa nuxurkii heshiiska Siyaasadii heshiisku halkaas ayuu ku yaala tii horena maaha ee waa ta dambe, waxyaabo badan baa laga bedelay waxaanu galnay gorgortan dambe wax badan baa laga bedelay, wixii laga bedelayna waa lagu soo daray”

Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa si gaar ah wargeyska Geeska Afrika ugala hadlay aragtidiisa heshiiskii ay Xukuumaddu hor keentay Golaha waxaanu tilmaamay in aanay ku degdegaynin ansixinta ee ay aad uga fiirsanayaan, aadna uga doodayaan, oo haddii ay ogadaan inuu dadka iyo dalkaba dan u yahay ay ansixin doonaan, haddii aanu dan u ahayna aanay ansixin doonin. “Heshiiskani wali ma dhamaystirna, oo waa qabyo, Xukuumadduna Golaha ayey hor keentay, Wasiiradduna warbixino ku saabsan heshiiska ayey Golaha ka jeediyeen, si fiicana wey u hadleen, markaas haddii aanu nahay Xildhibaanadii Golaha Wakiilada, waxaanu matalaan Shacabka, oo Shacabka reer Somaliland ayaa na doortay, markaas waanu eegnaynaa heshiiskan, oo waanu ka doodi doonaa, haddii aanu ogaano inuu yahay heshiis qaranka, dadka iyo dalkaba dan u ah oo faa'iido ku jirto waanu ansixin doona, balse haddii aanu ogaana in aanay ku jirin wax dan ahi ansixin mayno, kuma deg degayno ee aad ayaanu uga fiirsanaynaa, uguna baaran degaynaa".