Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Shaqada Ka Joojiyay Agaasimaha Guud Iyo Eedaha Uu U Cuskaday Go’aankiisa

0
1085

Hargeysa(Geeska) – Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii guud ee wasaaradaasi Abiib Axmed Cali.

wwwwww

Wareegtada uu wasiirka waxbarashadu shaqada kaga joojiyey agaasimaha guud oo wargeyska Geeska Afrika Helay ayaa u dhignayd sidan “Mudane Agaasime guud tan iyo maalintii uu madaxweynuhu ii soo magacaabay inaan hogaamiyo wasaaradan oo  aan xilkeeda la wareegay 7/11/2015, wax wada shaqayn ah kaamaan arag ilaa iyo maanta, agaasime guud oo xil haya laba arimood midkood ayuunbuu ku shaqeeyaa waa ta koowaade  qorshe iyo siyaasad uu dejiyo oo wasiirkuna u ansixiyo, waa tan labaade qorshe iyo siyaasad uu wasiirku dejiyo oo uu fuliyo,mudane agaasime labadaas midnaba kumaad camal falin, waxaanad igu bilawday amar qaadasho la,aan.

Laba tusaale ayaan ku xusuusinayaa, kalana ahaa dugsiga sare ee M.A Sheef oo aan kuu sheegay inaad kaxaysato injineerada wasaarada soona qiimaysid baahida ay ardaydu ka soo cabatay oo ahaa dayactir la,aan, laab la,aan iyo maktabad la,aan  iyada oo ay ahayd dhamaadkii bishi November ee 2015, manayse dhicin inaad qabato shaqadaas, markii aan ku waydiiyey sababta aad uga baaqsatayna iimaad sheegin wax lagu qanci karayey.

09/12/2015 subaxdaas oo aan u baxayey Nairobi xafiiskana aan idinkula sii shiray adiga, wasiir ku xigeenka iyo wasiirul dawlihii hore ayaan mar labaad ku faray inaad soo qiimayso, ka dib markii ay xaalada dugsigaasi(Sheekh Yuusuf Kaynuun) igu soo qayliyeen qaar ka mid ah waalidiintu  soona arkay,  nasiib daro kamaad ag wareeginba, hadalkaygiina waxba kamaad soo qaadin, hadaba dayactirkii iyo qalabkii kale ee ay dugsiyadu u baahnaayeen markii la soo dalbaday ee shirkadii fulisay soo codsatay kharashkii hadal iyo muran ayaad ka keentay  iyo waliba diidmo inaad saxeexdo kharashkii baxay ee lagu fuliyey hawlihii dugsiyadaasi  adiga oo ka baaqsaday xilkaagi

Intaas marka laga yimaado waxa kale oo aad sifo ka baxsan anshaxa shaqada kaga hor timid shaqooyinkii iyo barnaamijyadii wasaaradu u waday qaranka tusaale ahaan barnaamijkii tababarka macalimiinta ee ay fulinaysay wasaaradu lana soo wareegtay 2015, ilaa bilawgiisii mashruucaas si badheedh ah ayaad isku hor taagtay adiga oo khal khal iyo jaah wareerin joogto ah ku haya, su,aasha is weydiinta leh waxay tahay yaad kala shaqaysaa hawlaha wasaarada?.

Dhinaca kale hawlihii imtixaanka iyo cidii xaqa u lahayd inay gasho ayaad arbushtay, ka dib markii xafiiska imtixaanka masuuliyiintiisa aad isku dayday inay khasab kaga qaadaan arday fasalka shanaad ah imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe, oo aad ka badheedhay si aad u fuliso nidaam sharci daro ah oo ka baxsan habkiisa iyo hanaankiisa,( Fiiri warqada ka soo baxday gudoonka waxbarashada gobolka gabiley ee ku taariikhaysan 24/12/2015, fiiri warqada aad u qortay xafiiska imtixaanaadka ee aad ku meel marinaysay sharci darada gudoonka waxbarashada gobolka Gabiley ka soo cawday, fiiri warqada jawaab celinta ee xafiiska imtixaanaadka 28/02/2016.

Sidoo kale barnaamijkii horu marinta manaahijta iyo sidii ardayda loogu heli lahaa kutub qiimo ahaan jaban ayaad u laxaadsatay sidii aad u fashilin lahayd, ilaa hadana maxadku uu ka shaqayn la yahay (Institute of Curriculum Development) tixraac warqada ka soo baxday xafiiskaaga MoE/Dg/0488/27/7/2016 ee ku lifaaqan halkan.

Waxaad ku guul daraysatay inaad ka soo baxdo xilkii, masuuliyadii, shaqadii aad u haysa wasaarada, marna may dhicin inaad wax qorshe iyo nidaam ah aad la timaado oo aad kula xisaabtanto agaasime waaxeedyada iyo gudoonka waxbarashada ee gobolada, waxaana ka muuqata wasaarada kala daadasho iyo hogaamin la,aan haysata oo fadhiid ka dhigtay maamulkii iyo shaqo maalmeedkii joogtada u ahaa hawlaha wasaarada oo sababay inay istaagaan, ka dib markii aad is badheedh ah u diiday socodsiinta, fulinta, qabashada iyo gudashadii waajibaadkaagii agaasime guudnimo.

Guntii iyo gaba gabadii waliba waxaad mar kasta oo aad arin isku qabataan masuuliyiinta wasaarada aad caado iyo dhaqan joogto ah ka dhigatay cay, aflagaado iyo wax qof masuul ahi aanu ku hadli Karin, oo ka baxsan ansha shaqada iyo dadnimada, waliba waxaad u gudbisaa oo aad gaadhsiisaa hay’addaha ajaanibka ah ee la shaqeeya  wasaarada oo aanay waxba ka khusayn arimaha gudaha ee wasaarada, adiga oo qoraalkaas ku xusay inay wasaarada ka dhex socdaan arimo sharci daro ah iyo ajandayaal qarsoon, waxaana loo diri doonaa baadhitaan adiga oo cadayn doona,(fiiri mid ka mid ah dhambaaladii (Emails) aad u dirtay 11/05/2016 ee halkan ku lifaaqan), waxaad ku tilmaantay wasaaradii inay wado falal argagixiso.

Mudane agaasime guud wali xafiiska w.w. waxbarashada maad soo galin subaxna adiga oo ka waramaya hawl socodsiinta wasaarada iyada oo aan kuu yeedho mooyee, waxaad isku soo hoos xidhaa (hoosta ka qufushaa)xafiiska adiga oo waliba  yar yahay imaanshaa xafiiskaaga.

Ugu danbayntii talaabooyinka isbadalka leh ee lagu horu marinayo waxbarashada, laguna tayeynayo dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka ahba si cad oo aan mugdi lahayd ayaad u curyaamisay, waxaanad siyaasadaha waxbarashada ku furtay dacaayado aad ku wiiqayso taaba galka hawlaasi.

Waxa la yaab leh warqada ka soo baxday xafiiska wasiirka ee ku saabsanayd isku bedalka shaqaale geeriyooday loona qabay baahi iyada oo la tix galinayey codsiga iyo baahida ee ka timid gobolada, sababta adiga oo agaasimihii wasaarada ah ugu feegartay  amar qoraal ahna ku siisay agaasinka maamulka iyo lacagta inaan wax mushahar ah loo samayn, sida ku cad lifaaqan, Goormaad awooda intaas leeg yeelatay ee aad go,aan wasiir ku hor joogsatay?.

Waxaan yaqiinsaday kuna qancay inaad wasaaradan ku noqotay hagar daameeye, caqabad maamul, kuna abuurtay wasaarada ismaqal la,aan iyo kala amar qaadasho la,aan aad si joogto ah dhaqan iyo caado uga dhigatay, taas oo abuuraysa curyaamin maamul oo aan loo dulqaadin Karin maadaama oo ay wasaaradu xiligani gacanta ku hayso hawlo waaweyn oo la xidhiidha sii horu marinta waxbarashada qaranka.

Sidaas awgeed mar haddii aad ku guul daraysatay habsami u socodkii hawlaha maamulka ee wasaarada, isla markaana aad diiday oo aad iska dhago tirtay tilmamaha masuuliyiinta kaa saraysa, wasiiradiina aad u isticmaashay hanti aad leedahay oo kale, dhinaca kalana aad aqoonsanayn inay masuuliyiin kalaba kaa sarayso,qabtana inaad kaligaa masuul ka tahay wasaarada, kuna hadasho mar walba.

Mar haddii aad ku dhaqmi wayday tilmaamihii iyo talaabooyinkii lagu siiyey

Mar haddii aad u horseeday kala danbayn la,aan, ismaqal, ixtiraam la,aan aad ku riday wasaarada

Mar haddii afcaasha aad ku dhaqmayso ay wiiqday habsami u socodkii hawlaha maamulka ee wasaarada, taasina ay keenayso inuu baaqdo, dib u dhacyana ku yimaado adeegii bulshada ee wasaarada.

Sidaas darteed laga bilaabo  saacada aad warqadan hesho ahna 06/08/216 waxaan kaa joojiyey xilkii agaasime guudnimo ee aad wasaarada u haysay, waxaana kaa reeban inaad xarunta wasaarada iyo xafiiskii aad ku shaqaynaysayba aad soo gasho laguguna arko amar la,aan.

Waaxaha wasaarada, maxadka manaahijta iyo xafiiska imtixaanaadka madaxdooda waxa lagu war gelinayaa lana farayaa inay la socdaan shaqo ka joojinta lagu sameeyey agaasihii guud, isla markaana ay si habsamiya ula shaqeeyaan cida si ku meel gaadh ahaana loogu magacaabi doono sii socodsiinta masuuliyadii iyo hawlihii xilka agaasime guud-nimo ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare.

ALLA MAHAD LEH

Abdilaahi Ibrahim Habane

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliland