Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, wasiirka ganacsiga Dr. Muuse Qaasim iyo wasir xigeenka wershadaha iyo weliba wasiir xigeenka xanaanada xoolaha, ayaa shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Berbera waxay ku cadeeyeen in la soo gunaanaday dhallinyaro ka gadooday go’aanka ay xukuumadu ku doonayso inay ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera oo la sheegay inay isku urursadeen goob aan ka fogayn Berbera.
Cali Warancade, wuxuu sheegay in dhallinyarada oo uu ku tilmaamay inay cadhoodeen la qanciyay, “Hawshii dhinaca ammaanka eenu u nimid iyo af garan waagii yaraa ee gobolka ka dhacay , Illaahay ayaan uga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay noogu dhammaatay, mar labaad ka waxaan u mahadcelinaynaa odayaashii, salaadiintii, cuqaashii, iyo waxgaradkii sida quruxda badan arrintaas noogala shaqeeyay, dhalinyaradii cadhootay sidii ay u qanciyeen. Arrintiina meel wanaagsan oo qiimo badan ayay ku soo noqotay. Waa dhaqanka ay bulshada Somaliland ku dhaanto bulshada inteeda kale inaynu wax walba ku xallino is qancin iyo wada hadal iyo inaynu arrinta xagga wanaagsan ka eegno,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warshadaha Somaliland ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in dhalinyaradii ka cadhootay wareejinta Haamaha arrintooda la xaliyay “Arrinku aad umuu balaadhnayn laakiin, niman dhalinyaro ah oo xogaa wax yara tabanayay oo meel leexsan oo wadada ah joogay arrintoodu way soo gabogabowday, si qurux badan leh oo afgarad leh oo odayaashu gacan nagu siiyeen,” ayuu yidhi wasiir xigeenku
Wasiir kuxigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ayaa isna sheegay in arrinta dhinaca ammaanka ah ee soo afjarantay ay uga mahadcelinayaan waxgaradka iyo odayaasha Saaxil iyo sidoo kale madaxda heer gobol ee Saaxil.