Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay wasiirka cusub ee khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire oo uu Madaxweynuhu xilkan u magacaabay, ka dib markii uu wasiirkaas hore is casilay.
Munaasibada xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Green Plaza ee Hargeysa, waxa ka soo qayb galay marti tiro badan, waxaana hadal ka jeediyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo ka waramay waxyaabihii uu qaranka u qabtay mudadii labada sannadood ku dhawayd ee uu xilka hayay, “Intii aan wasaaraddan joogay dhinaca wada hadalada aynu Somaliya la lahayn, waxaanu galnay wada hadalo muddo socday balse aan bislaanin, waxaanan markii ugu dambaysay goosanay oo tallo ku gaadhnay in wada hadalku aanu ahayn mid ay Somaliland dani ugu jirto, islamarkaana la joojiyo ilaa wada hadalku noqdo mid caalamku ka qayb galo oo dhexdhexaadin si rasmi ah laga galo.” ayuu yidhi Wasiir Biixi. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inuu isu arko wasiirkii u horeeyay ee la kulma madaxweynayaal tiro badan oo dunida ah kuwaas oo uu kala hadlay wax la qabashada Somaliland. Wasiirka cusub ee khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire ayaa isna hadal uu halkaas ka jeediyay wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono xoojinta siyaasadda dibadda Somaliland, isagoo shaqaalaha wasaaradana ugu baaqay inay u dhabar adaygaan wakhtiyada ay soo baxaan in la sh aqeeyo wakhti dheeraad ah.