Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Iyo Wefti Kormeer Shaqo Ku Tegay Seeraha Banka Qool-Caday

0
494

Hargaysa (Geeska):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Mudane Cabdilaahi axamed Daahir Cukuse ayaa shalay Kormeer ku tagay Seeraha Banka Qool Caday oo Dawladu dib u soo noolaynayso.

banka qoolcaday1

Weftigan oo ay Xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,Wasiirul dawlaha Xannaanadda Xoolaha,Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta

Qaranka,Agaasimayaal

Guud,Aqoon yahano, Mas’uuliyiinta Degmada Sallaxley ,Madaxa hay’ada Daniida oo Wakiil ka ahaa Qaadhaan Bixiyeyaasha kale.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo  Seeraha banka qool-caday ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday Sida ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dadaal ugu jirto Xidhista banka Qool caday kaas oo Wax tar balaadhan u leh Bulshada deegaanka iyo Xoolahooda, Waxaanu Wasiirku Yidhi “ Waxaan idiin sheegayaa in Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF inay Seeraha banka Qool caday biyaha ugu horaysiinayso dadku way ku farxeen, Siyaasadda Wasaaradda Xannaanadda Xooluhu iyo Mashruucan SDF Time link ay sameeyeen isma diidayaan, Waxaanu diyaar u nahay mar kasta oo Mashruucaasi la sii daayo,oo Ceelashii SDF inay Bilaabayso ay balanqaado anaga iyo bulshada deegaankuna waxaanu balanqaadaynaa inaanu taarkii ku wareejino”.

Wasiir C.laahi Cukuse waxa uu intaasi ku daray oo kale “Mashruuca qaybtiisa kale ee Aroori sidii loogu fuliyey ayuunbaa halkana loogu fulinayaa”

Geesta kale Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Salaan Jirde “Cali Shoonbe” ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Bulshada deegaankaasi ay soo dhawaynayso Seeraha banka qool caday Waxaanu Xusay in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo bilaabi doono qodista ceelasha biyaha oo qayb ka ah Mashruucani “Dadku waa kuwaas sida Nabadgalyada ah u Yimid ee arkay inaan wax la isku haystaa Jirin, Waxaa Muuqata in deegaanka iyo bulshaduba ku qanacsan tahay Mashruucan aniguna waxaan idiin bushaaraynayaa mudo aan fogayn in Biyaha laga bilaabi doono”.

Geesta kale Mr Michel oo ka Socday hay’ada Danida Isla markaana sheegay inay qayb weyn ka qaadanayaan hirgalinta Mashruucan,Waxaanu uga Mahadnaqay Xukuumadda Somaliland wada shaqaynta fiican ee Ka dhaxaysa.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Sallaxley iyo qaar ka mid ah aqoon yahanka deegaanka degmada Sallaxley oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Talaabada ay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo ka turjumaysa Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Banka Qool-caday kaga hirgalinayso in laga dhigo Seere ay Manaafacaadsadaan dadka iyo duunyada ku dhaqan Jiida degmadda Sallaxley,Waxayna intaas ku dareen inay Gacan Muuqata ka gaysan doonaan waxa kasta oo looga baahdo.