Wasiirka Waxbarashada Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Ololayaasha

0
517

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane  (Cabdilaahi Dheere) ayaa sheegay in aan la gaadhin wakhtigii ololaha ee Xisbiyada, waxaanu tilmaamay in marka la gaadho ololaha in Xisbi kastaaba xor u yahay waddo kasta oo uu ku kasban karo dadka, balse imika looga fadhiyo Xisbiyada inay dadka ku wacyigeliyaan kaadh qaadashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane  (Cabdilaahi Dheere) oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tayada Waxbarashada ee dalka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xisbiyada “Wali lama gaadhin ololihii, lamana fasixin, ee guud ahaan Xisbiyada waxaan leeyahay dadka ku wacyigeliya in kaadhadhka la qaato, oo Goob walba, Deegaan walba iyo Gobol walba oo aad maraysaan dadka kula taliya muhiimada uu kaadhku leeyahay, oo olole aan wali la gaadhin ka dheerada, marka ololaha la fasaxo oo wakhtigiisa la gaadho,  Xisbi walba qaabka uu ku kasban karo dadka isaga ayey u taala, laakiin yaan hadda la ololayn”.

Wasiirka Waxbarashada mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Dugsiyadii waa la fasaxay, oo fasax baa la galay, ardayduna fursado ayey haystaan, ee kaadhadhka ha qaatan, oo Dhalinyarada, Ardayda, Haweenka iyo Qof walba oo isagu is diiwaangeliyey ha ku dadaalo inuu kaadhka qaato, si aanu u dacayin fursada uu ku codeynayo”.

Wasiirka Waxbarashada mar uu ka hadlaayey tayada Waxbarashada ee dalka wuxuu yidhi “Tayada Waxbarashada ee dalka inay horumar gaadho, haddii ay yihiin Dugsiyo iyo haddii ay yihiin Jamaacadaba, waa Siyaasada Wasaaradda,Wasaarad ahaana hadafaykayagu waa sidii Waxbarashadeenu heer u gaadhi lahayd iyo sidii ay dalkeena uga soo bixi lahaayeen Arday dhinaca walba ka dhisan, sidaas oo ay tahay Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee dhawaan la soo gabagabeeyey xil dheeraad ah ayaanu iska saarnay, waxaana ku dadaalnay in si cadaalad ah uu Imtaxaankaasi u dhaco, waana ku guulaysanay”.