Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay Inuu Baanka Aduunku Dhalinyarada Somaliland U Furayo Sanduuq Maalgalina Oo Loo Tartamo

0
630

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta Md. Sacad Cali Shire ayaa daboolka ka qaaday in baanka adduunka uu balan qaaday in dhalinyarada Somaliland uu u furayo sanduuq maalgalin ah oo ay dhalinayradu ku tartami doonto qorshe ganacsi oo ay soo qortaan.

Sida oo kale wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay in gobalada Sool iyo Sanaag oo aanay gaadhin haayadaha qaramada midoobay iyo kuwa ajaanibka ah in shirkii dhawaan ee baanka adduunka in haayadaha qaarkood ay ogalaaden in sanadkan ka hawlgalaan gobaladaas.

Waxa uu sidan u sheegay wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire mar uu shalay u waramayay mudenayaasha golaha guurtida, waxaana isaga oo ugu horayn ka hadlaaya gobalada Sool iyo Sanaag uu yidhi“Haayadaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa waxay yidhaahdaan Sool iyo Sanaag waa meel aanay nabadeedu sugnayn oo khilaaf uu ka jiro,laakiin runtii arin ay wax ka jiraan maaha maalintii dhawayd ee aan shirka isugu nimidna halkii ayaanu uga sheegnay, Sool iyo Sanaag waa laba gobal oo nabad ah oo laga shaqyan karo,la tagi karo oo dadkoodu ay leeyihiin baahida ay dadka gobalada kaleba ay leeyihiin,way u baahan yihiin in wax lagala qabto oo la daboolo, fikirkaasi maaha mid aanu ku raacsanay,had iyo jeerna waanu kala hadlnaa,xataa waxaan ku nidhaahnaa hadii aad idinku ka baqaysaan anagu baqdintaas ma aragnee haayadaha samafalka ee wadaniga ah ee gobaladaas jooga la shaqeeya, taas ayaanu ku dhiiri galinaa,waanu wadnaa waanuna ku wadi doonaa idinka laftigiinuna ( golaha guurtida) xildhibaanada labadaas gobal ka soo jeeda  way wanaagsanaan lahayd in aad culays saartaan haayadaha jumciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo  kuwa samafalkaba.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Shirkii maalintii dhawayd faa’idooyin badan ayaa ka soo baxay dhawr haayadood ayaa balanqaaday inay hawlo ka bilaabi doonaan Sool iyo Sanaagba,sanadkan intaan ka war hayo haayada USAID deeq ay bixisay laba mashruuc marka laga reebo inta kale waxay yidhaahdeen waxaanu galinaynaa Sool iyo Sanaag lacag ilaa laba milyan oo doolar ah,Sanduuqan horumarinta laftigeeda waxaanu ka dalbanay in lacag gaar ah laga siiyo Sool iyo Sanaag oo waliba loo qoondeeyo waxbarashada,Caafimaadka iyo Biyaha,markaas runtii sidii aynu ugu qancin lahayn haayadaha ajaanibka ah inay mashaariicda gaadhiiyaaan  waa arin inoo wada yaalo oo aan da’daalkiisa wadno idinkana idiinka baahanahay inaad culayska nala saartaan.”

Wasiir Sacad oo ka hadlaayay shaqo la’aanta haysata dhalinayrada iyo waxa baanka aduunku uu balan qaaday inuu kala qaban doono xukuumadda waxa uu yidhi“Shaqo la’aantu waa aafada ugu weyn ee dalkeena haysata,Geedkan qaadka loo yaqano laftigiisu waa waxyaabaha dhibka weyn inagu haya dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba,shaqo la’aantu way baahsantahay qof yar iyo qofweynba,waxayse ku sii badantahay dhalinyarada,waxa laga yaabaa 75% kiiba dhalinayaradu in aanay shaqayn,waxay shaqo la’aantoodu ka timaadaa waxa kala badan shaqo abuurkeena  oo ka imanaya maalgalinteena,shaqada maalgalin ayaa abuurta, marka ay is raacaan maalgalin la’aan iyo xirfad la’aan shaqo la’aantaa ka abuuranta,dhalinayrada jaamacad ka soo baxdaa inkasata ha leegaadeene xirfad waa ay leeyihiin,dhibka ina hortaagana waa maalgalin la’aan iyo dhaqaalii oo aan korayn.Maxaa laga qaban karaa weeye?

“Qolada bangiga aduunka waxaanu waydiisanay sanduuq loogu talo galay in lagu kobciyo ganacsiga gaarka loo leeyahay,waxaanu ka codsanay inay u sameeyaan sanduuq u gaar ah dhalinyarada, oo sanduuqan ay hadda gacanta ku hayaan waxay dadka waydiiyaan inuu wax ku soo darsado,waxay odhanayaan toban ku ayaan ku siinaynaaye sadex kun ku soo darso, maadaama oo aanay dhalinyaradu hadda jaamacadaha ka soo baxeen oo aanay lacagtaas hayn waxaanu ka codsanay inay u sameeyaan sanduuq in lacag ay ku darsadaan aan loo baahnayn, waanay naga yeeleen, waxaanay yidhaahdeen waxaanu samaynaynaa sanduuq loo tartamo oo dadku qorshe u soo qortaan ay ku bilaabayaan shaqo iyo ganacsi oo aan la waydiinayan lacagtaas la siinaayo lacag ay ku kaabaan, taas ayaanu wax ka rajaynaynaa.”