Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo is difaacay

0
760

Hargaysa( Geeska )-Wasiirka wasaarada Macdanta biyaha iyo tamarta Md.  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay si adag uga hadlay lunsigii lacageed ee lagu eedeeyay, waxanu wasiirku iska fogeeyay eedaymahaas loo soo jeediyay, isaga oo ku tilmaamay in maxkamad layskula gali karo arintaas.

Sidaasina waxa uu wasiirku ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay saxaafada kula hadlay, waxa kale oo uu wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ka waramay  sida ay lacagtan lagu eedeeyay ku soo gashay wasaarada iyo cadadkay ahayd. Waxaanu ugu horayntii ku bilaabay hadalkiisa “ Waxaan u malaynayaa fursadan aan ka dalbaday saxaafada inay halkan noogu yimaadaan waxa weeye in aan bal ka jawaabo warar badan oo baryahan soo noqnoqonayay oo saxaafada aad ugu jiray, bal waxay ku salaysnaayeen sheekooyinkan lacag lunsiga iyo xagay ka timid bal in aan idiin faah faahiyo, runtii mudada tobanka casho ah ee ay saxaafada ku jirtay arintan lacag lunsigu waan ka hadli kari lahaa, laakin waxaan door biday inta uu ka maqaam gaadhayo hanti dhawrahii uu diray madaxweynahu in aan ka aamusnaado oo marka ay waxani soo afjarmaan waxaan fikir ka qabo aan ka hadlo.” Ayaa uu yidhi wasiir Ducaale, waxa kale oo uu ka waramay sida ay arintan ku soo baxday isaga oo sheegay in ilaa 15-kii bishaba uu wasiirka maaliyadu fadhiyo badan ka sheegay arinta madaxweynahana u gudbiyay, sidoo kale waxa uu ka hadalay sababta hanti dhawrka loogu soo diray wasaaradiisa, waxaana hadaldiisa kamid ahaa  “ Markaas waxa hantidhawrkan shalay soo afjarmay amray madaxweynaha Md.Axamed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ), markii uu warkaa u keenay wasiirka maaliyadu daruurina waxa noqotay in si rasmiya baadhitaan loogu sameeyo wasaarada, waxii uu hanti dhawrahu uu helayna waxaan u malaynayaa in aan ku noqonaynin oo taas isagaa idiinka waramay ” waxaanu intaas sii raaciyay “ Marka hore Wasaaradu wax heshiisyo cusub oo baatrool ku saabsan oo ay gashay majirto, waxaan haynaana waa heshiisyadii hore ee aan dawladii hore ka dhaxalnay, heshiisyadaa markaas wax kabadal ayaan ku samaynay si aan u dhiiri galino u dhaqan galino shaqona hor ka bilaabmata oo ayu ku bilawno in baadhitaankii baatroolku inoo bilaabmo, markaa heshiisyadaa wax kabadalkooda ayuunbaan samaynay markaa heshiisyo cusub aanu galin,” ayaa uu yidhi, waxaanu intaas ku daray “ marka heshiis cusub la galaayo waxa weeye lacagyaw ayaa ku qeexan heshiisyadaas, lacagyawgaas intooda badan waa lacagyaw dawalda u xaroonaya, lacagayawga dawladu ay xaqa u yeelato ee u xaroonaya ee qasnada galayaa waxa weeyaan lacagyawga ay ka mid tahay ROOYALTI, xaqul qalin, waxa kale oo jira haddii ay wax soo baxaan sidii loo kala qaybsanayay, waxa kale oo jira lacag laga qaado kirada dhulka inta ay joogayaan, wax badanaaba jira oo saddexda  heshiis ee aan galnayba ku qeexan lacaga yar yar oo loogu talo galay in wasaarada lagu tayeeyo si ay horumar loogu sameeyo farsamooyinkan ay galayso, markaa lacagyawga caynkaasi waa qaar loogu talo galay in lagu tayeeyo wasaarada ee maaha lacag loogu talo galay inay khasnada dawlada ku xarooto.”

Isaga oo ka hadlaaya lacagta cadadkeeda iyo sida ay wasaarada ku soo gashay waxa uu yidhi “ Markaa haddii aan idiin galo lacagtan dhinac walba saxaafadu u jiiday ee mar nus malyuunka lagu sheegay markii danbe dharw malyan ayay maraysaybee, horta lacagta laga hadlayaa waa lacag lagu tayaynaayay wasaarada oo laba sanadood is gaadhay oo min kontan kontan ah oo kanbani ka timi iyo lacag 75,000 oo iyaduna kanbani kale ka timi, 175000 Doolar markay yimaadeen waxay ku soo dhaceen bangiga dhaxe ee Somaliland, gudoomiyaha baankaa qabtay wasiirkan idinla hadlaaya oo aniga ahina sanduuq gaara oo Jabuutiya kuma shuban, lacagtii markaas waxay ku xarootay sanduuq wasaaradu leedahay, hawsha ay wasaaradu ku qabanaysana waa hawl wasaarada u taala, waxa ku baxday iyo waxa yaalana waxaan u malaynayaa inuu idiinka waramay hanti dhawrahu.”

Wasiir Xuseen Ducaale Waxa uu ku tilmaamay nasiibdaro in lagu tuhmo lunsi hanti umadeed “ Runtii waa nasiib daro in laygu tuhmo tuuganimo ama lacag lunsi aan umadu waxay leedahay lunsado, iyada oo aanay waxaas waxba ka jirin, taasina ay ka timid masuul aniga ila mida oo kale ah, waxyaabaha caynkaas oo kale ah aduunka waa fal danbiyeed weyn marka lagugu oogo wax caynkaasa oo la yidhaahdo lacag ayuu masuulku lunsaday, markaa dee wasiirku arintaas inuu ka yara fiirsadaabay ahayd oo wax iga waydiiyo, runtiina ilaa maanta wasiirku wax uu arintaas iga waydiiyay ma jirto, dhawr fagaare oo waawayna arintaas wuu kaga dhawajiyay dee waxii ka soo baxayna waxaan  u malaynayaa inuu hanti dhawrahu idiin sheegay shalay.” Ayaa uu yidhi wasiir Ducaale, waxaanu intaas sii raaciyay “Qof masuul dawladeeda hadaad matalan faldanbiyeed culus oo caynkaasa aad ku oogto ama aad ku tuhunto waa wax aad iyo aad u culus, waxaasu markaa haddii ay run noqon waayaan, waxa weeye adiga laftigaaga ayaa markaas faldanbiyeed ku jira oo waa wax maxkamad layskula gali karo, markaa runtii waxaan jeclaan lahaa in tuhunka caynkaasa hadii uu yimaado in laga fiirsado, intaan saxaafada lagalin ama laga waramin.”

Ugu danbayntiina waxa uu wasiirku hadalkiisa ku soo gunaanaday inuu ku badbaaday daacadnimadiisa balse aanu wasiirka maaliyadu wax teelo ah u dhigan “ Waxaan halkan idiinka sheegayaa daacadnimada umada loogu adeegayaa masuul kaliyaata oo dawlada ka shaqeeya kuma eeka, daacadnimadu inay qof kaliyaata ku eegtahay dawlada dadka u shaqeeya horta taasi waxaan u malaynayaa in aanay jirin oo waxaan umada ugu shaqaynaynaa ay daacadnimo tahay, runtiina wasiirku [wasiirka maaliyadda] waxba iilama uu hadhin mar haddii uu arinta caynkaasa ee laxaadka leh uu igu oogay, dee daacad nimadayda ayuunbaa ibad baadisay ayaan u malaynayaa ee wax kale kuma badbaadeen hadii aan wax lunsiya ku jiro, lakiin isagu waxba iilama hadhin.”