Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay Inaanay Soomaliya Diyaar U Ahayn Wada Hadalada Somaliland

0
711

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inaanay dawladda Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadal.

Wasiir Faratoon oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu dalalka caalamka ku canaantay inay ka gaabiyeen aqoonsiga Somaliland, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya wada hadalada uu yidhi   “Mawqifka aynu ka taagan nahay, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada hadlaan,balse ilaa hadda Somaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada hadalada, waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo  doonaya in Somaliland madax banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa  iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”.

Wasiir Faratoon oo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka  ayaa yidhi “Adduunku wuu ka gaabiyey wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay,madaama aynu nahay dal jira, oo ka mid ah Caalamka,   inagoo si kastaba oo aynu u muujinay qadiyadeena, habeen iyo maalinba waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena, dawladnimadeena iyo inaynu Somaliya kala nahay laba dal oo jaara ah, oo kala nidaam iyo kala hadaf ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here