Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Xalinta Khilaafka KULMIYE Ee Loo Xilsaaray

0
686

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ah guddoomiyaha gudidii dhawaan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay khilaafaadka xisbiga Kulmiye ayaa markii ugu horaysay ka hadlay arinkaas.

Waxa uu wasiirku sheegay inay si dhaqso ah ku soo afjari doonaan khilaafka xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inuu yahay mid yar oo aan macno buuran lahayn, waxaanu sidan ku sheegay mar uu u waramayay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka qaranka, isaga oo dibada ka soo laabtay, waxaana isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi“Guddidaas turxaan bixinta ee madaxweynuhu uu magacaabay,waxaanu ahaa khilaafkaasi mid yar oo aan macno lahayn waanu wadnaa, waxaanu doonaynaa maadaama oo uu yahay xisbiga Kulmiye xisbil xaakimkii sidii loola shaqayn lahaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka iyo madaxdooda oo xisbi adag oo muuqda oo shaqooyinkiisa qabsada uu u noqon lahaa,waanu la kulanay waxaanan filaynaa si dhaqso ah inaan u soo afjarno.”

Guddigan ayaa dhawaan bilaabay xog ururinta khilaafka xisbiga KULMIYE, waxaana la filayaa sida uu wasiirku sheegay inay dhawaan soo gunaanadaan turxaan bixinta xisbiga.

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ah guddoomiyaha gudidii dhawaan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay khilaafaadka xisbiga Kulmiye ayaa markii ugu horaysay ka hadlay arinkaas.