Wasiirka Khaarajiga Oo Geeska Afrika Uga Waramay Wada Hadal Uu Arrinta Fiisaha Kala Yeeshay Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Ee Itoobiya

0
548

Hargeysa  (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Fiisaha ay bixiso qunsuliyada ay dawladda Itoobiya Hargeysa ku leedahay oo isbedel lagu sameeyay.

ssss

Wasiir Sacad oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika , waxa uu sheegay in arintaas Fiisaha uu kala kulmay Wasiirul dawlaha khaarajiga  Dalka Itoobiya Taye Atske-Selassie, isla markaana ay iska afgarteen, waxaanu sheegay in Wasiirul dawlaha Itoobiya uu u sheegay inay bedaleen nidaamkii hore ee loo bixin jiray Fisaha, isla markaana nidaam cusub loo sameeyey.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire , waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xasan Sheekha madaxweynaha ka ah dalka Somaliya, "Arinta Fiisaha Itoobiya,waxaanu kala hadlaynay dawladda fedaralka Itoobiya, gaar ahaan Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya, marka aanu arimaha Fiisaha wax ka weydiinay, waxa uu noo sheegay in nidaamkii hore ee lagu bixin jiray Fiisaha wax laga badalay, oo hadda kadib Foom la soo bixin doono, Foomkaas oo ilaa laba todobaad qaadanaya, waxaanu noo sheegay in nidaamkani aanu Somaliland oo qudha khusaynin  ee Mandaqada oo dhan  uu nidaamkani quseeyo, waxa kale oo uu naga balanqaaday in dadka aadka ugu baahan, ardayda deeqda waxbarasho u baxaya iyo dadka xanuunku hayo  inay si gaar ah u eegi doonaan, una dedajin doonaan".

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa mar uu ka jawaabayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi "Madaxweynaha Somaliya wuu iska hadlay, waxaanu ku hadalay hadal  aan suurtagal ahayn, maxa yeelay Somaliland iyo Somaliya waa laba wadan, oo mar midoobay, haddana kala baxay, Doorashada Somaliya waxa ay dhacaysaa 2016-ka, Doorashada Somaliland waxa ay dhacaysaa 2017-ka, inagu weynu tashanay, dalkeenu maanta waxa uu haysta nabad buuxda, nidaam dawladnimo, doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa ka hirgalay, halka ay iyagu marayaana weynu la soconaa, inkasta oo dad Somaliya inaga joogaan,, isla markaana ay yihiin jaaliyad Somaliland oo halkaas ku sugan, oo shaqo tagay, wax sameyn ah oo ay inaga inagu yeelanaysaa ma jirto, hadalkan ka soo yeedhay Xasan Sheekhna waxa aan leeyahay ku eekow dalkaaga oo dad iyo dal isku tashaday ha u hanqal  taagin"