Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika Iyo Xildhibaan Ka Mid Ah Baarlamaanka Dalkaas Oo Isku Maan-dhaafay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland

0
579

London (Geeska) – Xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaanka Baarlamaanka Ingiriiska geeyay qadiyadda aqoonsiga Somaliland, ayaa wasiirka UK u qaabilsan Afrika Vicky Ford, ku tilmaamay wasiir aan qaandhaag ahayn, wuxuuna u soo jeediyay in ay dhagaysato baarlamaan dalkeeda.

Xildhibaan Williamson oo ka jawaabayay qoraal ay shalay baahisay Wasiir Ford oo ay ku sheegtay in “Dowlada UK doonayso in Somaliland iyo Soomaaliya mustaqbalkooda go’aan ka gaadhaan” ayaa u soo jeediyay in wasiirradu ay dhagaystaan baarlamaankooda.

“Tani waxay muujinaysa in aanad gabi ahaanba fahmin xaqiiqda  siyaasadeed ee jirta, waxaa muhiim ah in wasiirrada aan qaan-gaadhka ahayni ay dhagaystaan baarlamaanka, maaddaama oo ay shaqada baarlamaanka tahay in ay wax ka yidhaahdaan arrimaha siyaasadda” ayuu yidhi Williamson oo qoraal ku baahiyey Twitteer-ka.

Xildhibaanka ayaa doodii habeen hore ku tilmaamay mid tusinaysa in ay jirto is raacsanaan balaadhan oo lagu doonayo in UK Somaliland aqoonsato “Shalay waxay ina tustay  in aad la isku raacsanyahay in dowladda UK aqoonsato Somaliland”.

Wasiir Vicky Ford ayaa qoraal ay ku daabacday bogeeda Twitterka, ku sheegtay “in loo baahanyahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay iyagu aayahooda ka tashadaan”, xildhibaan Williomson ayaa isna isla Twitterka ugu jawaabay wasiiradda.

Doodda arrintan lagaga hadlay, ayaa waxa ka qayb-galay illaa 23 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska.

 

Geeska.net/Hargeisa Office