Lughaya(Geeska)-Dugsiga sare ee GEB ee ku yaala degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa u dabaal dagay sanadguuradiisii 4aad ee ka soo wareegtay markii dugsigaasi dhidibada loo taagay.
Munaasabad balaadhan oo lagu qabtay xarunta dugsigaas waxa ka soo qayb galay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi -baadhista iyo Technology-yada ee Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan, aasaasayaashii dugsiga, aqoonyaho kale, qurbojoog, oday dhaqameed, ardayda iyo maamulka dugsiga iyo dadwayne aad u badan oo isaga kala yimid degaanka dugsigaas ku hareeraysan.
Maamulaha Dugsiga Sare ee GEB Md.Cabdi-nuur Daahir Wabar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dugsigu 4 sano ka dib meel fiican marayo, isla markaana ay ardayda dhigataa isaga kala yimaadeen degaanada dalka gudihiisa, sidoo kale waxa uu xusay in dugsiga oo ah mid boodhin ah ay dhamaan u dhan yihiin adeegyadii loo baahnaa ee dhinaca jiifka, cuntada, akhriska, ciyaarha, cibaadada, IWM, waxana uu u mahad naqay dhamaan dadkii gacanta ka gaystay in dugsigani noqdo maanta mid shaqeeya oo tayadiisu fiican tahay.
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isagu suuragaliyay inuu dugsigani noqdo mid hanaqaada ayaa halkaasi ka hadlay waxana uu ka waramay heerka maanta dugsigu marayo iyo meesha uu hiigsanayo waxana uu yidhi "Waxa ii muuqata in uu maanta dugsigu meel fiican marayo, marka loo eego meeshii aan ka soo bilawnay afar sano ka hor, waxa ay ahayd ujeedadii aan u samaynay in caruurta degaankan iyo dalka oo dhan ay helaan meel ay wax a bartaan oo dugsi ah oo ay waxbarashadiisu sarayso, waxana laga maarmaan noqotay in dal iyo dibadba aan afar sano ka hor isku qaylo wacano si aan fikirkaasi uga dhabayno, waxana ka dhashay maanta dugsigan oo aan qirayo inuu rajo balaadhan leeyahay, waxana tan ku farxaya saaxiibadayda ku kala baahsan dunida ee qaadhaanka iyo taageerada joogtada ah la barbar taagan mar walba dugsiga.Waxa aan sheegayaa in aan meesha laga saari karin qabyooyin yar yar oo noo muuqdaa inay jiraan, taasina waxa aan ka hawl galaynaa in aan soo daboolno, waxa kale oo aan dadka degaanka u sheegayaa in hadii ay la yimaadaan fikirka odhanaya todobaadkiiba maalin cayiman, laba saac oo kaliya aan ka shaqayno degaanka dugsiga inay hubaal tahay in wax badan is bedelayaan, dugsiga bilicdiisu ay kordhayso, degaankuna uu noqonayo mid soo kabta oo aad loogu indho diirsado, sidaas ayaanan idinka rabnaa inaad yeeshaan idinka oo kaashanaya ardayda iyo maamulka dugsiga"
Sh. Maxamed Siciid Dheel-dheel oo isaguna ka mid ah dadka taageerada la barbar taagan dugsigan waxa uu sheegay in af farxad tahay heelka maanta la marayo ee uu dugsigu taagan yahay, waxana uu ugu baaqay qurbojooga inay sii laba laabaan dadaalkooda, dhinaca kalena waxa uu xukuumada u diray fariin waxana uu yidhi "Aniga oo fariinta u sii dhiibaya Wasiir Aadan, waxa aan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka leeyahay dugsigan ku soo eega indho naxariis leh, oo ka taageera baahiyaha uu qabo si la mid ah dugsiyada kale ee dalka"
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada Md.Aadan Axmed Warsame oo halkaasi ka hadalay ayaa sheegay inuu u joogay shirkii ugu horeeyay ee Dr.Bayle qabtay ee ka dhacay London ee lagu falanqaynayay aasaaska dugsigaasi, maantana uu aad ugu faraxsan yahay meesha uu marayo dugsigu.
Wasiirka oo ka hadlayay kaalinta ay xukuumadu ka gaysatay dugsigan ayaa waxa uu yidhi "Waan ku faraxsanahay inaan idiin yimaado, waanan balan qaadayaa inaan si joogto ah idiinku xidhnaado, xukuumada oo aan anigu maanta ka wakiil ahay, waxa hubaal ah inaanay ka fara laabnayn dugsigan, waxa ay macalimiinta siisaa mushaharo, waxa ay dugsiga kab ugu dartay miisaaniyada, had iyo jeerna way xasuusan tahay oo kama fara laabna, waan dareen sanahay in baahidu intan ka badan tahay, waxa aan ku dadaalayaa in kolba sidii wax loo qaban karo loogu qabto dugsiga ka xukuumad ahaan, waxa kale oo aan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenkaba gaarsiinayaa fariinta aad ii dhiibteen maanta ee ku aadan taageerada dugsiga"
Sidoo kale Wasiirku waxa uu kula dardaarmay ardayda dhigata dugsiga inay ka midha dhaliyaan dadaalka iyo fikirka la galiyay, isaga oo u mahadnaqay dadka dalka, dibida iyo xukuumada ah ee ka gaystay taageerada dhismihii dugsigan