Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay heshiiska Saldhiga Milatari ee ay doonayso inay Xukuumaddu Imaraadka ka siiso Madaarka Berbera, waxaanu sheegay in heshiiskani uu faa’iido aad u balaadhan u leeyahay dalka, waxaanu xusay in Imaraadku Somaliland u balan qaaday inuu Madaar cusub u dhisayo, isla markaana uu dhisayo waddada Itoobiya iyo Berbera isku xidhaysa ee Berbera Corridor.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cumar Shucayb Maxamed oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale sheegay inay Golaha Barlamaanka la hor keenayo, waxaanu yidhi “Haddii Imaraadku inaga soo dalbaday Saldhig Milatari (Base), wuxuu inoo balanqaaday inuu inoo dhisayo Madaar cusub oo casriya iyo inuu inoo sameeynayo Waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Corridor, oo ah waddo kharash aad u badan ku baxayo, waxtar aad u balaadhan oo la soo koobi karina inoo leh, Xukuumadduna nidaamkii sharciga ahaa ayey u maraysa, oo Barlamaanka ayaa loo gudbinaya, mana haboona in wax walba oo qiimo inoo leh in la siyaasadeeyo”.