Wasiirka Daakhiliga oo shalay hortagay golaha wakiilada

0
543

Picture1Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde oo shalay horyimid Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xildhibaanadaasi waxaa ay xog waran kala yeesheen hawlaha shaqo ee uu qaranka u hayo,waxaana Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah Mudanayaasha ugu cad cad ee aqalka Golaha Wakiilada Somaliland oo sida oo kalena inta badan si aada u dhaliila Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uu Wasiirka waydiyey Su’aal la xidhiidha in uu joojiyey in Maayirada Golayaasha Deegaanka Somalilnad ay hortagaan Aqalka GolahaWakiilada Somaliland si wax looga waydiiyo hawlaha qaran ee ay Umadda u hayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde ayaa waxaa uu ugu horeyn uu sheegay in ay si aada u soo dhawaynayaan in la tix galiyo Awoodaha baarlamaanka Somaliland,isaga oo sida o kalena sheegay in hadii ay baarlamaanka Somaliland ay awood u leeyihiin in ay golahooda uga yeedhi karaan cid kasta oo dawlada ah uu si aada u soo dhawaynaayo,balse hadii aanay awoodaas lahayna lagu ixtiraamo ka wasiir ahaan awooda uu leeyahay waxii hawlaha ah ee looga baahdana isaga laga waydiiyo. “Awoodo ayeynu kala leenahay waxaanan soo dhawaynayaa in la tix geliyo awooda baarlamaanka isla markaana waxaan idinka codsanayaa in la tix geliyo awoodayda iyo awooda dawlada, waxa jira nidaam badan, qawaaniin badan oo aynu ku kala hagano,  haday qawaaniintaasi idin siiso inaad ilaa biyatooniga ila shaqeeya inaad u yeedhaan diyaar ayaan u ahay haddii ay idiinsiin waydana dee gacan tuugaalada iga daaya, markaa waynu isla eegaynaa haddii aad xaq u yeelataan xaq ayaad u leedihiin haddii aan  xaq u yeesho inaad aniga wax u waydiisaana waynu arki, waayo aniga ayaa masuuliyiinta haya oo haday wax xumeeyaan iyo haday wax wanaajiyaan aniga ayaa laygala xisaabtamayaa.”ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Waran Cadde.

Md:Cali Maxamed Waran Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu hadalkiisa ku daray “Haddii ay sharciga ku jirto inaad ilaa xadkaas socon kartaan waa diyaar haddiise aanay ahayn oo awoodu inoo kala xadaysan tahay waxaan jecelahay inay qolo waliba inteeda ku eekaato”Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Waran Cadde. Dhanka kale waxaa isna halkaasi daboolka ka qaaday in awood u leeyihiin Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo isna tafaasiil Wasiirka uga bixiyey awoodaha ay ka gole ahaan u leeyihiin cida ay u yeedhi karaan,waxaana uu sheegay in ay Masuul kasta oo xil dawladeed haya ay si gaar ah ay ula xisaabtamayaan,isla mar ahaantaana ay wax badan ka waydiin doonaan,isaga oo carabka ku dhuftay in ay Maayarada Somaliland ay yihiin masuuliyiin Umaddu ay dooratay isagana aan hoos iman. “Maayarada waa la doortay mana hoos yimadaan oo ma xukumo wasiirka arimaha guduhu, dadka ayaana doortay, golaha baarlamaankuna awood ayey u leeyihiin inay u yeedhaan cid xil dawladeed haysa oo lacag dawladeed ku baxday ,  cid kasta oo xil awood dawladeed haysa way la xisaabtamayaan, cid kasta oo shilin umada leedahay  ay ku baxdana way la xisaabtamayaan, wada shaqaynta golaha wasiirada iyo baarlamaankuna waxay ku xidhan tahay sharciga.”Ayuu yidhi Md:Xildhibaan Rayte Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo waxaa uu hadalkiisa ku sii daray“Awooda wasiirka waxa bixiya sharciga, sharcigana waxa soo gudbiya golaha wakiilada,  wasiirku awood aanu bixin golahani ma yeelan karo, awooduna waxay ku soo noqonaysaa halkan.”