Wasiirka Daakhiliga Oo Dawladda Somaliya Ku Eedeeyay Inay Dagaal Ku Soo Abaabushay Somaliland

0
991

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in is abaabul dagaal uu kaga soo waajahan yahay Somaliland dhanka Somaliya, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay la socdaan xaaladahaas.

Waxa uu wasiirka arimaha guduhu sheegay in Somaliland aanay dhaafin dhulkeeda isla markaasna aanay doonayn inay dhaafto, waxaanu arintan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa “Xaaladu saaka halkay maraysaa waxa weeye ilaa afar ka mid ah gobalada Somaliya ayaa ciidamadii laga soo qaaday, waxa la soo duldhigay ciidanka Somaliland, madaxweynaha Somaliya Farmaajo balanqaadkii uu u sameeyay beesha caalamka waxa uu u sheegay in aanu colaad wadin Somaliland-na ay doonayso arimahooda iyaga oo nabad ah ay ka wada hadlaan labadaas dhexdooda waxbaa ku jira, waxa ku jiraana waa xaalada abuuran ee ka taagan Godqaboobe iyo Garoowe dhexdiisa iyo ciidamada faraha badan ee laga soo ururiyay gobalada Somaliya waxaana aan xaqiiqo ahayn afkii beesha caalamka iyo inagaba uu inagula hadlay ee ahayd inay nabadii dhulka ka taalo, Somalilandna ay doonayaan in ay wada hadlaan Somaliland marnaba kama leexanayso dariiqeeda horumarka iyo nabada, Itoobiya iyo Jabuuti  nabagalyo ayaynu ku wada noolnay Somaliya inagama foga oo waa kuwaynu walaalaha nahay ee shalayna aynu isku dawlada ahayn, dawladii uunbaa inaga xumaatay taas ayaa keentay duruufaha maanta taagan.”

Wasiirku waxa uu beesha caalamka ugu baaqay “Baasha Caalamka,dalalka aanu jaarka nahay, ururada Midawga Afrika,EU iyo Igadba waxaanu ku warginaynaa oo baaq ku gaadhsiinaynaa xaalada colaada ee ka aloosan Somaliya iyo Somaliland dexdooda Somaliland kama aha masuul ee waxa ka masuul ah Somaliya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here