Wasiirka Daakhiliga Oo Cadeeyay In Dil Lagu Fulin Doono Gacan Ku Dhiiglayaasha Xidhan

0
554

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa  ku dhawaaqay in dadka ku xukuman dilka ee aan wali la kala qaadan wax Mag ah laguna fulin doono Qisaas.

Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde ayaa sidoo kale sheegay in cid alaale cidi hub kala hortimaada Ciidanka Qaranka ee halkaas lagu dilo in wax Mag dhaw ah laga bixinayn, waxa kale oo uu Bulshada ugu baaqay in aanay gacan siinin cid walba oo dhibaato wada, waxaanu balan ku qaaday in cidii gacan siisa dadka falalka nabadgeliyada wada ama Gacan ku dhiiglaha inay la kiis noqonayaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa hadalkan ka sheegay Shir Jara’iid oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa, waxaana uu sheegay in Shirar kala duwan oo ay yeesheen Madax Dhaqameedka Somaliland ay isku afgarteen qodob dhawr ah, waxaana uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan halkan ka baahiyo, Shir balaadhan oo Bishan Lixaad Afar iyo Tobankeedii lagu qabtay Gobolka Togdheer, Magaalo Madaxdiisa Burco, Shirkaas oo ahaa Xoojinta Nabadgeliyada iyo is dhexgalka Bulshada, iyo kaalinta ay Madax dhaqameedku ku leeyihiin Nabada Dalka, Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gobolo fara badani, Goboladaas oo ay ka mid yihiin Sool, Sanaag, Saraar, Oodweyne,Togdheer, Saaxil iyo Gabiley, Shirkan oo kalena waxa hore loogu qabtay Magaalo Madaxda Awdal ee Boorama, oo ay ka soo qeyb galeen Gobolada kale, waxaana lagaga hadlaayey sii xoojinta Nabada Somaliland, iyo sidii dhidibada loogu aasi lahaa, iyo waxyaabaha ka hor iman kara sidii looga hor qaadi lahaa, falanqeyn dheer ka bacdi Shirkaas la iskugu yimid, Cuqaasha, Salaadiinta, Ururada Bulshada oo lagu soo wada maray Dhamaan Gobolada waxa ka soo baxay go’aamo wax ku ool ah, kadib markii ay galeen dood dheer, qodobada la isla qaaday in  la fuliyo oo amaanka loo adkeeyo, oo dhidaba loogu aaso, waxa ka mid ah

1-In dadka wax dilay ee aan lagu heshiin in Diyo la kala qaato la mariyo qisaasta sharciga ah

2-In la fuliyo go'aamada Garsoorka iyo Maxkadamaha ee fulinta sugaya ee taagan Maanta , 3-In aan garab la siinin dambiilaha wax dila ama ee caadaystay markuu wax yeeleeyo qof islaama dabadeedna uu beel dabada galiyo ayaa waxaa lagu heshiiyey in dambiilahaasi wax gacana oo la siiyaa aanay jirin

3-In cid kasta oo hub kala hortimaada Cidamada Amniga iyaga oo fulinaaya hawl gal sharci ah ee ku wax yeelooba ama ku dhinta  in aanu haba yaraatee wax mag dhaw ah aanu lahayn cid loo raacayaana aanay jirin

5-In cidii gacan siisa gacan ku dhiiglaha ama dambiilaha iyo cid kasta oo sharciga ka hortimaada uu la mid yahay ruuxii fal dambiyeedka gaystay.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Shantaas Qodob waa Shantii Qodob ee la isku raacay,isla markaa waxa ii raaca soo jeedin ay soo jeediyeen Madax Dhaqanka ee Shirweynaha ka qeyb galay, waxaana laga gaadhay go’aamadan

1-In la dardar geliyo sugida Amaanka iyo wax ka qabadka iyo baahiyaha ka jira Gobolada Bari, Sool iyo Sanaag

2-In la tayeeyo, Tababarna la siiyo Ciidamada Amniga, si loo helo Cadaalad sugan iyo Ciidan tayo leh,

3-In lagu fuliyo Gacan ku dhiiglayaasha  ku xukuman dilka, ee ku xidhan jeelasha, ee arimahoodu dhammaadeen, taas oo wax weyn ka taraysa Amniga, taasna waxa la soo jeediyey oo la isla qaatay, in Ninkii Dambiilaha ah dadkii uu wax ka dilay, ama ehelkii Dambiilaha inay wax ku heshiiyaan waa halkeed, balse kii aan lagu heshiiyo in Maga la iska qaadan ee la dilo, ee aanu noqon Ninkaga  jira Xabsiga ee Qisaasta uu ILLAAHAY lagu qisaaso jideeyey in lagu qisaaso, ayaa la isla qaatay.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Shacabka reer Somaliland, Ganacstada dalka iyo Madax dhaqameedka Somaliland, isaga oo ugu mahadnaqay sida ay go’aamadan ula qaateen.