Hargeysa (Geeska)-Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waraysi kooban oo uu Geeska Afrika la yeeshay wuxuu kaga hadlay xilka loo magacaabay, wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo iyo qodobo kale.
Wasiir Faratoon, wuxuu sheegay in xilalka Somaliland ka jira ee dawladeed yihiin kuwa loo simanyahay, waxaanu u mahadceliyay Madaxweyne Siilaanyo.
Marka u horaysa wasiirka oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu xilkan u arko wuxuu yidhi “Waxaan u arkaa xilka Wasiirka Arrimaha Guddaha ee la ii magacaabay inuu yahay mansab muhiim ah, waan ku qanacsan nahay, Madaxweynahana waan uga mahadnaqayaa inuu xilkan ii magacaabo, waajibka la ii igmaday haddii Rabi idmo waan ka soo bixi doonaa, si sinaan iyo cadaaladana waan ugu adeegi doonaa Qaranka.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu wasiirku yidhi “Xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xilalka kale ee Wasaaraddaha dalka iyo waliba Hay’addaha kale ee dawliga ahba waa loo siman yahay, oo Muwaadiniinta iyo Shacabka reer Somaliland-ba xaq bay u leeyihiin”.
Wasiirka mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko wada hadalada Somaliland iyo khatumo ayaa ku jawaabay “Waa daruuri in la wada hadlo, oo Somaliland iyo Khatumo wada hadlaan, oo ay is afgartaan, waxaanan ku rajo weynahay in is afgarad ka dhex dhaco,oo la is fahmo”.
Wasiirka Arrimaha Gudduhu oo ka jawaabaya xaaladda Lascanod iyo diiwaangelinta ka bilaabantayay gobalka Sool, wuxuu yidhi “Xaalada Laascanood aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay, oo wax imika ka jira ma jirto, wax a ka socda abaabulkii Diiwanagelinta, waxaana dadka Gobolka Sool dhammaantii farayaa oo kula dardaarmayaa inay qaataan kaadhka Diiwaangelinta Doorashada, si ay u helaan xaqa ay u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan”.
Wasiirka Arrimaha Guddaha oo bulshada baaq u diraya wuxuu yidhi “Bulshada inay mar walba garab taagnato Dawladda weeye, waxaanan Bulshada farayaa oo aan leeyahay nagala shaqeeya oo nala ilaaliya Nabada, oo isku xidhnaada, oo danta dalka aynu ka wada shaqayno, oo wixii amaan daro iyo dhib keenaya aynu iska ilaalino.”