Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Dareenkiisa La Xidhidha Xilka Loo Magacaabay

0
642

Hargeysa(Geeska) – Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay xilka uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

1

Wasiirka cusub ee arimaha gudada Yaasiin Faratoon oo shalay ka hadlayey munaasibad soo dhawayn ah oo loogu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inuu dareemayo culayska ay leedahay masuuliyada la saaray waxaanu yidhi “Waxaan munaasibadan u turjumanayaa filashada layga sugayaa inta ay leeg tahay, waxaana layga filayaa wax weyn taas oo aad ii baqdin galinaysa,  markaa intiina soo qayb gashay munaasibadan ee madaxda xisbiyada, madax dhaqameedka, xukuumada, xildhibaano iyo heer kasta oo bulshadeena ah aad ayaan idinku mahad celinayaa, waxaanan idin leeyahay noo soo duceeya.”

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo hadda loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa isaguna ka hadlay  dareenkiisa ku saabsan in loo magacaabo gobol Cusub.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal   Mustafe Shiine  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka waramay dareenka uu ku qaabilay xilka cusub waxanu yidhi “Anigu aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in Madaxweynaha Somaliland e Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) uu ii bedelay xilka Guddoomiye-nimo ee Gobolka Awdal, Gobolka Sool  ee aan Guddoomiyaha ka ahaa ee uu hore Madaxweynuhu igu magacaabay waxa uu ahaa Gobol aad u wanaagsan, oo dadkiisuna aad u wanaagsan yihiin, waxaanan ku rajo waynahay inaan xilka cusubna sida ugu fiican uga soo bixi doono.”

Mustafe Shiine oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raaciyey “Gobolada Gabiley iyo Sool ayaan ka soo noqday Guddoomiye, dhab ahaan labadaas Gobol-na waa laba Gobol oo aad u wanaagsan, dadkooduna ay aad u fiican yihiin, waxaanan hubaa in Gobolka Awdal-na sidaas oo kale yahay, markaas in Gobolka Awdal la ii bedelo, waan ku qanacsan nahay, waanan ku faraxsan nahay”